”Wuxuu agab halis ah siiyey Ciidamada Ukraine” – Ruushka oo Elon Musk u gooddiyey & waxa ay qalabkaasi ku sheegeen

0

(Moscow) 09 Maajo 2022 – Agaasimaha Guud ee Tesla ee Elon Musk ayaa waxaa u gooddiyey dalka Ruushanka oo ku haysta sababta uu adeeg internet oo bilaash ah u siinayo dalka Ukraine.

Musk, oo 50 jir ah, ayaa isticmaalayey Starlink – oo ah raxan ka kooban in ka badan 2,000 oo dayax-gacmeed oo ku sugan falagga dhulka ee hoose – si ay khad internet ah u siiyaan adduunka oo dhan.

Adeeggaas ayuuna geeyey dalka Ukraine, si uu khad u helo tiiyoo uu inta badan go’an yahay khadkoodii caadiga ahaa, iyadoo uu bilyaneerkani iska dhiciyey falal iskugu jira tashwiish iyo jabsi oo ka imanayey dhanka Ruushka bishii Abriil, isagoo adeegsanaya SpaceX.

Musk ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray xog uu bixiyey Dmitry Rogozin, Madaxa Wakaalada Hawada Sare ee Ruushka ee Roscosmos, oo ay qaateen warbaahinta Ruushku habeenkii Axadda ee xalay. Rogozin ayaa bayaankaas laftiisa soo dhigay Telegram-ka.

Rogozin – oo isla shalay ku faanay in Ruushku ay ”nus saac” ku burburin karaan dhammaanba dalalka NATO oo idil – ayaa Musk ku eedeeyey inuu Starlink ku xirey agab khad fasiix ah ku caawinaya Guutada Cunsuriga ah ee ‘Nazi Azov Battalion’ iyo laamaha kale ee Ciidamada Ukraine sida Guutada 36-aad ee Badda iyadoo agabkaas dayuurado quumaati u duula loogu qaybiyey, sida uu yiri.

“Elon Musk wuxuu sidaas darteed ku lug leeyahay inuu Ciidamada Faashiistaha ee Ukraine u diro isgaarsiin millateri,” ayuu Rogozin oo raaciyey. “Tan waa inaad si wayn ugu jawaabto, Elon, si kasta oo aad nacas iskaga dhigi doonto.”

Saraakiisha Ruushku waxay sheegeen in Starlink ay siinayso Ciidamada Ukraine inay ku guulaystaan dagaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo xogta sirdoon ee daruuriga ah, balse bilyaneerka ayaa kusoo jawaabay, sida uu inta badan sameeyo, isaga oo carrabkiisa si adag dhabanka ugu riixaya.

”Erayga ‘Nazi’ macnahiisu maaha waxa uu u malaynayo inuu yahay,’ Musk ayaa kusoo qoray Twitter: ‘Haddii aan u dhinto duruufo dahsoon, way fiicnaan lahayd in la idin og yahay.”

Qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha Musk ayaa kasoo jawaabey hanjabaadda Ruushka, kuwaasoo ay ku jirto xitaa hooyadiis, Maye Musk oo tiri: ‘Taasi ma ahan wax lagu qoslo,’ iyadoo ku qortay dhowr emoji oo muujinaya wejiyo caraysan si ay dareenkeeda u muujiso.

Rogozin ayaa bilyaneerkan ku dhegganaa tan iyo bilowgii duullaanka Ukraine isagoo ku tilmaamay ”shaydaan yar” islamarkaana cambaareeyey Tesla Cybertruck, sida uu qorayo Business Insider.

Wuxuu xitaa ku maadsadey qorshaha uu Musk ku iibsanayo Twitter, isagoo ku qoslay inuu ”xorriyatul qoowlkii” soo celinayo.

SpaceX ayaa cirka u diray in ka badan 2,000 oo dayax-gacmeed oo qayb ka ah barnaamijka internet-ka hawada sare ee ‘Starlink’ isagoo filaya inuu 12,000 gaarsiiyo sanadka 2026-ka.

Hadalsame Media