MW Farmaajo oo xalay hal meel xilkasnimo ka muujiyey meel kalena ku xadgudbey (Arrin u baahan in xeer loo yeelo)

0

(Muqdisho) 09 Maajo 2022 – Waxaa xalay si rasmi ah musharraxnimadiisa u shaaciyey MW Max’ed C/laahi Farmaajo oo ah ninka hadda xilka madaxtinnimo haya, waloow uu la muddo dhaafay.

Yeelkeede, waxaan diiradda saaraynaa hal arrin oo uu xilkasnimo ka muujiyey xalaytoole iyo mid kale oo uu ku xeer taraaray oo loo baahan yahay in xal loo helo.

1 – MW Farmaajo bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada sooma saarin kumana faafin ololihiisa doorashada ee uu ku dhawaaqay, taasoo ah tillaabo sax ah maadaama ay Madaxtooyadu tahay Xafiis Dadwayne.

2 – Ha yeeshee, wuxuu sameeyey arrin kale oo ay tahay in aysan dib u dhicin oo ah inuu Madaxtooyada madal ahaan u adeegsadey markii uu ku dhawaaqayey musharraxnimadiisa, waayo isla sababta diidaysa inuu sawirrada iyo muuqaallada ololihiisa ku baahiyo agabka warfaafineed ee Madaxtooyada iyo Warbaahinta Dowladda ayaa iyadna diidaysa inuu madal olole ka dhigto Madaxtooyada Villa Somalia. Waxay ahayd inuu xaflad ku dhigto meel gaar ah.

Tan kale, tani waa garashada guud laakiin dalal badani arrintan xeer cad ayay ka leeyihiin. Tusaale, Maraykanka waxaa ka jira Hatch Act oo si cad u mamnuucaya in sarkaal kasta oo markaa xil ka haya DF ama Gobollada uu olole sameeyo isagoo ku jira shaqadii dowladda ee rasmiga ahayd, taasoo hadda aan arkayno inay samaynayaan rag xilal ka haya DF Somalia ama Maamullada oo u ololaynaya siyaasiyiin gaar ah ama cambaaraynaya kuwa kale.

Waxaa arrintan 2020 aad loogu cambaareeyey MW Donald Trump oo lagu saluugey inuu Aqalka Cad ku dhex ololeeyey.

Baarlamanka DF Somalia waa inuu arrintan xeer rasmi ah kasoo saaraa si looga fursado in uu qof helo dulduleel sharci (legal loophole) keenaya inuu wax dheeraado dadka kale isagoo adeegsanaya madal ummaddu leedahay.

W; D: Maxamed Xaaji