Imisa musharrax ayaa ilaa haatan si rasmi ah isu diiwaangeliyey? (Arag magacyada)

0

(Muqdisho) 09 Maajo 2022 – Waxaa shalay bilowday is diiwaangelinta musharrixiinta Madaxwaynaha DF Somalia oo la qaban doono 15-ka Maajo oo ku beegan Axadda soo aaddan.

Waxaa haddaba shalay is diiwaangeliyey ilaa 10 musharrax oo ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxtinnimada Somalia.

Waxaana ka mid ah Sheekh Shariif, Xasan Khayrre, Cabdishakuur Warsame, Daahir Geelle, Cabdikariim Guuleed, Cosoble iyo qaar kale.

Si kastaba, is diiwaangelinta musharrixiinta ayaa sii soconaysa maanta iyo berri, waxaana deeto maalinta xigta raaci doona khudbooyinka musharrixiinta oo soconta 11-12 Maajo, waxaana ay doorashada wayn qabsoomaysaa 15-ka Maajo.

Hadalsame Media