Dal gawaari gaashaaman ku ilaalinaya dukaamada kaddib markii bililiqo maaro looga waayey + Sawirro

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2022 – Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa mar kale ka soconaya moowjado bililiqo ah iyadoo ay dad raxan raxan ihi jidadka istaagayaan si ay u boobaan gawaarida xamuulka ah ee raashinka sida kuwa carwooyinka iyo suuqyada waawayn u adeega, ama xoolaha nool iyo shidaalka sida.

Magaalooyin waawayn sida Cape Town ayaa koronto la’aan ah halka tareennada qaar la baajiyey kaddib markii la goostay xarkihii waawaynaa ee korontada oo ka mid ah kaabayaasha ugu muhiimsan dalkaasi.

Waxaa haatan go’an khadka isku xiran Cape Town iyo Khayelitsha iyadoo fiilooyinkan maarta ah ee la xadayo ay dalkaa sanadkii ugu kacdo £9.6 bilyan oo doollar. DF ayaa sheegtay in fiillooyinka loo iib geeynayo dalal Aasiya ah ay dhibka keenayso iyadoo sheegtay inay joojinayso dhoofinta biraha iskaraabka ah si arrintan xal loogu helo.

Haatan DF dalkaasi ayaa ku khasbanaatay inay howlgeliso Ciidamada Xoogga Dalkaasi si ay u sugaan ammaanka goobaha muhimka ah ee ay dhici karto inay bililiqaystaan dadkan oo aan waxba daynaynin.

Meelaha koronto la’aantu sida xun u saamaysay waxaa ka mid ah kaawooyinka laga qodo dahabka iyo macdanta kale ee dhulka hoostiisa oo aad ugu tiirsan korontada si ay u iftiinsadaan iskuna qaboojiyaan.

Waxaa goobaha Ciidamada la geeyey ka mid ah carwooyinka waawayn sida Bridge City, Shoprite iwm, iyadoo dhaqanka noocan ah aanu ka jirin meel kale oo dunida ka tirsan.

Gaari doofaar iyo xoolo kale sidey oo gadoomey oo deeto bililiqo loo taagey

Hadalsame Media