Baro cuntooyinka yareeya Kolestaroolka, caafimaadka wadnahana xoojiya oo u roon

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2022 – Kolesteroolka waa nooc dufan oo kale ah taas oo laga helo dhiigga. Kolesterool waa shay uu jirku u baahanyahay waxa uu jirku u isticmaalaa dhisidda unugyada jirka, balse waa in xaddi sax ah ay jirkaaga ku jirtaa, hadii caddadka kolesterool ee ku jira dhiigaagga ay badato waxay khatar ku noqon kartaa caafimaadka wadnahaaga.

Marka caddadka kolestaroolka ku jira dhiigga ay badato waxaa loo yaqaannaa “hypercholesterolemia”.

Triglycerides: Cunidda Kaarbohaydareyt fara badan waxay kordhin kartaa heerka triglyceride.

Joogtaynta cunnada banaanka laga cuno, jimicsi la’aanta, cunista cunnada dufanka badan leh ayaa kordhiya khatarta in kolestaroolku kor u kaaco. Kolestaroolka kancsan wuxuu horseedi karaa wadne xanuun, dhiig kar iyo cayil badan.

Kolesraroolka waxaa lagu cabbiraa baaritaanka dhiigga.

Hadaba sii akhri si aad wax badan uga ogaato cuntooyinka la dagaallama cudurka kolestaroolka:

Waxaa jira xiriir toos ah oo ka dhexeeya cunnada aad u cunto iyo heerka kolestaroolkaaga. Khudaarta, furuutada, lawska, kalluunka iyo haruurka ayaa la isku waafaqsan yahay inay yareeyaan heerka kolestaroolka.

Lawska:

Lawska waxaa ku jira saliida aan cufnayn taasoo faa’ido u leh wadnaha, wuxuu lawska la dagaallamaa cudurka kolesatroolka oo ah subaga fadhiisto xididada wadnaha, taas oo ka hortag u ah xanuunka wadne qabadka iyo faaliga.

Digirta soya-da:

Dadka cudurka kolestaroolka waxaa lagula taliyaa inay cunnada ay qaataan ay ku daraan soya-da, maadaama ay qani ku tahay barootiinka dhirta. Waxaa ku jira fitamiinno, macdano iyo maada fiber oo hoos u dhiga kolestaroolka xun. Digirta iyo misirta iyaguna waxay ay ka mid yihiin cunnooyinka u wanaagsan kolestaroolka.

Qoondarka:

Qoondarka waxaa ku jira fiber, dufanka caafimaadka uroon ee “omega3” iyo maadada la yiraahdo “Lignans” oo ka kooban hormoonka estrogen iyo sunsaaraha “anti-oxidant”. Qoondarka oo maalin kasta la cuno waxay hoos u dhiigtaa heerka kolestaroolka. Qoondarka waxaad ku darsan kartaa cunnooyinka kale ee aad cunaysid sida mushaarida, caanaha fadhiyo (yoghurt), iyo suugada. Waxaad kaloo ku dari kartaa burka inta aadan dubin, cabitaannada khudraddana waad ku dhex shiidan kartaa.

Xulbada:

Waxaa xulbada ku jirta maado la yiraahdo “saponins” taas yaraysa kolestaroolka xun.

Afakaadhada:

Waxaa ku badan dufanka caafimaadka uroon, dufanka noocyadiisa fiican ee uu ka mid yahay Omega3 iyo Omega6 waxa ay kaalin weyn ka qaataan yaraynta heerka Kolestaroolka dhibaatada leh, waxa aanay kor u qaadaan kalastaroolka caafimaadka u fiican, waxa kale oo ay xoojiyaan habdhiska difaaca jirka iyo ladagaallanka kaarka iyo nabarowga. Arrimahaas oo dhammaantood xoojiya caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Shukulaatada madow:

Shukulaatada madow waxay yaraysaa kolestaroolka xun iyadoo sare u qaadaa kolestaroolka wanaagsan, sababtoo ah waxaa ku jirta maado lagu magacaabo “theobromine”.

Koostada:

Koostada waxaa ku jirta maadada “luten” oo yaraysa dufanka jirka kana hortagta wadne qabadka waxaa kaloo koostada laga helaa fiber oo hoos u dhiga xayrta wadnaha iyo xidida fuusha.

Boorashka:

Dadka heerka kolestaroolkoodu uu kacsan yahay waxaa lagula taliyaa inay ku quraacdaan boorashka. Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in boorashka oo la cuno maalin kasta ay yarayso heerka kolestaroolka.

Kalluunka salmon:

Kalluunkaan waxaa laga helaa dufanka Omega3 oo ka hortaga kolestaroolka kacsan. Kalluunka salmon waxa uu caawiyaa hoos u dhigidda dufanka nooca “Triglycerides”, waxaana uu kobciyaa dufanka wanaagsan sidaas darteed waxaa uu yareeyaa khatarta wadne xanuunka. Ugu yaraan 2 jeer toddobaadkii cun kalluunka salmon si aad sare u qaado caafimaadka wadnahaaga.

Liin macaanta:

Liin macaanta waa furuuto ka qayb qaadata yaraynta kolestaroolka kacsan, waxaa ku jira maadooyinka fiitamiin C, Folate iyo flavonoids oo caawiya hoos u dhigista kolestaroolka.

Maadadda Limondoids oo ah maaddo kiimikaad dhir ah oo laga helo iniinyaha liin macaantu waxa ay xakamaysaa dufanka marka horeba khafiifka ah ee LDL loo yaqaanno ama kolestaroolka xun. Sida oo kale faybarka miraha liin macaantu waxa uu nuugaa dufanka, sidaa awgeed waxa uu kaalin muhiim ah ka qaataa yaraynta kolestaroolka.

Shaaha cagaaran:

Cabbista Shaaha cagaaran maalin kaata waxay yaraysaa kolestaroolka xun, wuxuu aad ugu fiican yahay caafimaadka wadnaha maadaama uu yareeyo waxyaabaha ka qayb qaato halista wadna xanuunka sida kolestaroolka.

Liin bambeelmada:

Dadka qaba cillada kolestaroolka kacsan waxay cuni karaan liin bambeelmada, waxaa lagaa helaa faybarka milma iyo maadada pectin oo yareeya heerka kolestaroolka. Daraasad agu sameeyay arintaan ayaa shaaca ka qaaday in cunista xabbad liin bambeelmo ah maalin kasta muddo hal bil ah ay yarayso dufanka cufkiisu hooseeyo (LDL) 20%. Sidoo kale miraha Cinabka iyo farawlaha iyaguna way yareeyaan heerka kolestaroolka.

Saliid saytuun:

Siyaabaha ugu fiican ee aad jirkaaga ugu kordhin karto Kolestaroolka nooca faa’idada leh waa in aad isticmaasho saliid Saytuun, sida la ogyahayna Kolestaroolka faa’idada lihi waxa uu xoojiyaa caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga. Dhinaca kalana Saliid saytuuntu waxa ay yaraysaa Kolestaroolka dhibaatada keena.

Baytaraaf + tufaax + kaarooto + sanjabiil:

Cabitaankaan ka kooban baytaraafka, tufaaxa kaarootada iyo sanjabiisha waxa uu jirka ka nadiifiyaa sunta waxaana ka buuxo fitamiinno iyo nafaqo aasaasi u ah caafimaadka. Baytaraaku waxa yareeyaa kolestarooka xun waxaana uu ka hortagaa wadne xanuunka.

Isha: Daryeel Magazine

Hadalsame Media