Alvira Nabulina: Haweeney Putin u qabata howl ay ku dhici waayeen raggii xilka uga horreeyey (Muhiimaddeeda & meesha ay ugu jirto?)

0

(Moscow) 09 Maajo 2022 – Goorta Ruushku uu weerarayo Ukrain 24/ 2- 2022, cunaqabataynta reer galbeedka waxay ahayd mid horey ugu socotey. Ciqaabtaasi waxay bilaabatay sanadkii 2013-kii, goortaas oo Ruushku uu si xoog ah inta ku duuley uu Ukraine kala wareegey gobolka jasiirad u-egta Kriimya (Crimea) ee dhaca badda Madow. Fal-celiskii reer galbeedka oo ahayd cuna-qabateyn dhaqaale oo la saarey Ruushka ayaa jug wayn u geystey dhaqaalahoodii. Dhaawaca cuna-qabataynataas wuxuu gaarey, in lacagta Rubulka ah qiimaheedii hoos u dhacdo oo ay lumiso kala bar.

Iyada oo dalku uu ki jiro xaaladdaas ayaa guddoomiyihii bank-iga dhexe ee Ruushka uu xilkii ka dhamaadey. Ninkaas oo la yiraahdo Sergey Ignatyev, wuxuu xilka ka dhamaanayay bisha juun 2013. Saddex bilood ka hor muddadaas, wariye Ruush ah ayaa meel madal ah Putin ku weydiiyey, yaad dooneysaa inaad u magacawdo bank-iga dhexe. Wuxuu ugu jawaabay sidan:

”Guddoomiyaha cusub wuxuu noqonayaa qof si kedis ah ku soo baxa, laakiin wuxuu noqonayaa qof aad jeceshihiin”.

Kediska uu madax-waynuhu maantaas sheegey waa gabadha la yiraahdo Elvira Nabulina oo xilligaas ahayd la tliyaha Putin xagga dhaqaalaha. Iyadu waxay ku dhalatay degmo la yiraahd Ufa sanadkii 1963-kii. Degmadu waa magaalo-madaxda dowlad-goboleedka Bashkir ee dhacda koonfurta bartamaha Ruushka oo ay ku dhaqan yihiin qowmiyadda Tataarka. Waxaa iska-dhalay aabe iyo hooyo Tataar ah.

Magaca qoyskeeda oo ah Nabulina wuxuu ka soo jeeda erey carbeed oo waa (Nabiyu-laah). Aabaheed Sakhip-zada wuxuu ahaa darawal, hooyadeedna Suleekha waxay ahayd maareeye warshadeed. Elvira waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Moosko sanadkii 1986-kii. Dabadeed sanadkii 2007-dii, jaamacadda Yale (World Fellows Program) ayay ku biirtey oo ay ka kororsatay aqoonteedii dhaqaalaha.

Maantaas uu madax-wayne Putin uu wariyaha la hadley, intii ka danbeyse dad badan oo siyaasadda ku jira ayaa waxay is-weydiiyeen sababta uu Putin u doortey gabadhan in ay tahay tayo ay leedahay iyo in ay tahay taabacsanaan. Iyadu ma ahayn xilligaas hortiis qof laga yiqiin bulshada hoggaanka dalka haysa dhexdooda.

Laakiin xantaas ku socotey Nabulina maahayn mid iyada soo gareysey, bal waxay ka raacdey socdaal dheer oo u bilowdey, kaas oo ah in ay dagaalka caalamiga ah ee socda ay dhanka frontaheeda ka giijiso. Inteynaan socdaalka dheer la gelin, aynu xusno muhimadda uu leeyahay bank-iga dhexe ee masuulka looga dhigey. Mid waliba oo kamid ah Bank-iyada dhexe ee dowladaha, wuxuu yahay hay’ad masuul uga ah dowladdiisa la socodka iyo hagidda hannaanka maaliyadeed ee dalka u dhisan.

Banki dhexe ee walba wuxuu ilaaliyaa xasilloonida lacageed iyo amaanada maaliyadeed, isaga oo talo ka dhiibanaya, kana qayb-qaadanaya koboca dhaqaalaha dalka, xakamaynta sicir-bararka, shaqa u-abuurka xoogga dhallinyarada iyo difaaca cumladda dalka.

Nabulina markii ay xilka la wareegtey waxay difaaca ka bilowedy in ay nadiifiso wasakhdii dhex-tiil bank-iyada dalkeeda. Waxaa xusid mudan in xilligaas bank-iyada Ruushka ka furnaa tiradoodu ay ka badnaayeen 1000 banki. Wax yar maahee, waxay ku wada shaqeynayaeen musuq iyo boob hanti dowladeed. Nabulina si adag ayay u dhex-gashay waraaqihii bank-iyadan, mid-kasta oo ay khalad yar ku aragtey waa ay xirtey oo ruqsaddii ayay ka qaadey. Banki la yiraahdo (Master Bank) ayaa ugu horeeyey banki ay xirto. Iyada oo aanan shan bilood joogin ayay albaabada isugu laabtey, ruqsaddiina ay ka ceshatay. Kedadii uu shacabka Ruushku sugayay oo la filayay in ay jecleystaan maantaas ayay soo if-baxdey. Bank-iga waxaa saami wayn ku laahaa nin la yiraahdo Igor Putin oo ay ilma-adeer yihiin madax-waynaha. Igor Putin wuxuu ahaa ku xigeenka duqa bank-iga, isla-markaas wuxuu xubin ka ahaa guddiga bank-iga.

Bank-iyada ay xirtey waxaa kamid ahaa Geo-Bank, Inter-Brom Bank, JSC Bank, Astrakhan Bank, Russian Commercial Bank, Russian Credit Bank, Web-Money Payment Bank. Bank-igii ugu horeeyey oo Wall Street ka socda oo laga xiro wuxuu ahaa Goldman Sachs, waxaa xigey Western Union. Faracii Bank-iga Dhexe ee Ukraine qudhiisa wuxuu kamid ahaa bnk-iyada lagala noqdey ruqsdda. Sanadka intuusan dhamaan bank-iga dhexe wuxuu ruqsadihii kala noqdey 37 banki. Sanadkii xigey 2015-kii, waxaa ruqsaddii lagala noqdey 50 banki. Maanta waxaa dalka ka shaqeeya 370 banki oo qura.

In-kast oo gabadhan ay tahay aqoon-yahan u adeegeysa si ay u badbaadiso nin keli-talisnimo ku haysta xukun, misana tallaabooyinka ay qaadey waa arin wax laga baran-karo. Iyada horteed cid ku dhacdey ma jirin in ay bank-iyadaas ka ag-dhowaadaan. Sababtuna waxay ahayd, xiriirka uu mid walba la lahaa masuuliinta dalka.

Laakiin gabadhan waxay ku socotey laba awood oo mid tahay rabitaanka ay dooneysey in ay aqoonteeda ku difaacdo dalka iyo kalsoonida ay ka heysatay ninka ugu sareeya xilka dowladda.

Sanadkii 2014-kii, iyada oo fagaaraha hannaanka maaliyadeed uu ka socdo ololahaas nadiifinta bank-iyada, ayaa dhanka kale waxaa jiray caqabado xooggan oo hor-yiil dhaqaalaha Ruushka. Wxay kala ahaayeen cunaqabatayntii oo ku socota, qiimihii shidaalka oo xilligaas hoos u dhacay iyo maal-gashigii shisheeyaha oo lacagihii kala baxaya dalka.

W; D: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media