RASMI: Go’aan kasoo baxay xildhibaannadii lagu muransanaa ee Garbahaarrey & Ceel Waaq (Faafin rasmi ah)

0

(Muqdisho) 08 Maajo 2022 – War Murtiyeed kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu aqoonsaday in Xildhibaannadii kasoo baxay Ceel Waaq ay yihiin kuwa rasmiga ah ee ka mid noqonaya Aqalka Hoose ee DF Somalia.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa aqbalaadda Xildhibaannadii la sheegay in lagu doortay Ceel Waaq oo aanay saxaafaddu xog badan ka haynin u cuskaday kaliya inuu ogol yahay Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee heer Federaal halka ay diideen tii Garbahaarrey.

Waxaa uu Guddoonka Aqalka Hoose sidoo kale sheegay inuu cuskaday qodob ka tirsan Dastuurka oo dhigaya in “uu gobol kasta metelaad ku yeesho Golaha Shacabka.”

Wuxuuna ugu dambayn ku baaqay in wada xaajood lagu dhayo xurgufta siyaasadeed ee Gedo.

Dad badan ayaa dabcan filayey xal midkan ka duwan sida in doorashada lagu celiyo oo qaab bug-bax ah Muqdisho lagu qabto iyadoo la tartansiinayo 32-ka qof ee ku muran 16-ka boos.

Hadalsame Media