Halis jayolojiyadeed oo la sheegay inay kusoo socoto dhulka Soomaalida oo la tuhmayo in durba laga arkay Somalia + Sawirro

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2022 – Shalay wax aan maqlay in magaalada Boorama dhulgariir fududi ka dhacay. Ma aha markii kowaad ee magaaladaa dhulgariir ka dhaco, mustaqbalkana wuu soo noqnoqon doonaa isaga oo intan ka culus.

Sabab cilmi ah ayay taasi leedahay. Qaaradda Afrika wax ay ka samaysan tahay laba sarood oo la ka la yidhaahdo sarta Soomaalida iyo sarta Nuubiya (Somali plate and Nubian plate).

Haddaba waxaa socda dhaqdhaqaaq xooggan oo labadaa sarood ku ka la fuqayaan ilaa Afrika noqoto laba qaaradood. Wax ay ka ka la ruqayaan diillinta loo yaqaan Rift Valley (Dooxada Hawaas), taas oo socota Waqooyiga dhulka Soomaalida ilaa xeebta shishe ee Kiiniya.

Taa waa la ogaa laakiin laba sano ka hor culimada dhulku wax ay ogaadeen xawliga ka la fuqu in aad u sarreeyo. Sannad walba dhulkaasi wax uu ka la durkaa laba sentimitir iyo badh, waxaana la oddorosayaa in ay qaadanayso 30 milyan oo sano inta ay diillintaasi noqonayso bad qaaradda laba ka dhigta.

Haddaba halis aad u weyn bay ka digayaan culimada arrintan aqoonta u lihi, waxaana durba meelo badan ka dillaacay haadaamo dhaadheer oo geystay khasaare badan, gaar ahaan dhanka Kiiniya.

Haddaba dhulgariirka Boorama taas buu xidhiidh la lee yahay, waayo dhulka ayaa socda. Sidaa darteed magaaladaas iyo dhulka ku ogog leh waxaa fiican in la taxaddaro oo dhismayaasha la waafajiyo hab khasaaraha yarayn kara mustaqbalka.

W; D: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media