DAAWO: Dal ay berri doorasho ka dhacayso oo ay fara ba’an ku hayaan waxa Somalia looga yaqaan ”CBB”

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2022 – CBB waa tibix uu rakibay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur balse ma aha wax ku kooban Somalia e waa ifafaale haatan caalami ah oo dunida oo idil ka jira.

Franco Luna oo ah weriye reer Philippines ah ayaa ka sheekaynaya dhibaatada ay CBB adeegsanaysa koontooyin boqollaal ah oo been abuur ihi ay ku hayso dalkiisa gaar ahaan dhanka marin-habaabinta bulshada, samaynta xogo bidaal ah (alternative truth) iyo caayda ama amaanta qof gaar ah.

Wuxuu xusay in wiil uu dhalay kali-taliyihii Ferdinand Emmanuel Edralin Marcos oo la yiraahdo Ferdinand Marcos Jr uu doonayo inuu qaabkan ku qabsado xilka Madaxtooyada Malacañang Palace, si uu usoo celiyo boqortooyadii siyaasadeed ee aabbihii.

Ninka ay is hayaan waa Leni Robredo, iyadoo uu midkoodba doonayo madaxtinnimada dalkaasi oo doorashadeeda lagu kala baxayo 9-ka bishan Maajo oo ku beegan berritoole, waxaana ololaha socda lagu maagayaa oo lagu sawir xumaynayaa Robredo iyadoo lagu daahirinayo Marcos Jr.

Dadkan ayaa baraha bulshada ku faafinaya xogo been abuur ah oo ku saabsan in waayihii Marcos Sr loo tusmeeyo sidii inay ahaayeen BERISAMAAD NAQ LA DEGEY iyagoo inkiraya jarriimooyinkii iyo ku takri-falkii awoodeed ee uu gaystey isagoo xabsiga dhigay 70,000 oo qof, 34,000 jirdiley ilaa 3,000 oo kalena laayey, sida uu sheegayo Luna.

Dhaqankan ayaa si wayn usoo galay siyaasadda Somalia sanadihii dambe iyadoo ay jiraan dad run ah oo lacago ku qaata faafinta dacaayado been abuur ah iyo aflagaaddooyin loo gaysanayo shakhsiyaad iyo siyaasiyiin kale, iyadoo mararka qaar la adeegsanayo koontooyin been abuur ah.

Hadalsame Media