”Waa naqaan wixii aan samayn lahayn” – Hindiya oo furka ku xoortay dalka Holland (Maxaa la isku maagay?)

0

(New York) 06 Maajo 2022 – Ergayga Joogtada ah ee Hindiya u fadhiya Qaramada Midoobey, TS Tirumurti, ayaa ku eedeeyae Netherlands inay u “atooraynayso” dalkiisa kaddib markii Dafiirka Holland u fadhiya UK uu si cad u canaantay New Delhi kaddib go’aannadeeda Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ku saabsan dagaalka Ukraine.

Danjiraha Holland ee UK, Karel Van Oosterom ayaa Twitter kusoo qoray hadal u muuqda inuu Hindiya u yeerinayo moowqifkii ay qaadan lahayd isagoo leh: ”Ma aha inaan ka aamustaan shirka Golaha Guud. Ixtiraama Cahdiga QM.”

Yeelkeede, Danjiraha Hindiya ayaa usoo jawaabey isagoo usoo qoray: “Si naxariis leh, hannoo atooraynin, Danjire. Waa naqaan wax aan samayn.” taasoo uu Tirumurti kusoo jawaabey shalaytoole.

In kasta oo ay soo noqnoqdeen baaqyo iyo cadaadis ku aaddan in ay ku biiraan reer Galbeedka si ay gacan uga geystaan go’doominta Ruushka oo lagu fongoray dagaalka Ukraine, New Delhi ayaa ka cago jiiddey in ay xiriirka u jarto Moscow.

Hindiya ayaa sidoo kale ka aamustay codad iyo qaraaro badan oo la marsiiyey Golaha loo Dhan yahay ee Qaramada Midoobey sanadkan, kuwaasoo uu ku jiro mooshin uu Maraykanku horseed ka ahaa bishii Abriil kaasoo Ruushka looga saaray Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey kaddib markii lagu eedeeyey dilka dad rayid ah.

Danjire TS Tirumurti (C) oo la hadlaya dhiggiisa QM u fadhiya Ruushka, Vasily Nebenzya, intii lagu jirey shirkii Golaha Ammaanka Agoosto 16, 2021

Hadalsame Media