Maraykanka oo ka hadlay waxa ka jira inuu gacan ka gaystey dejinta markabkii Ruushka ee Moskva

0
FILE PHOTO: A Russian missile cruiser "Moskva" is anchored near Mumbai, India May 21, 2003. REUTERS/Roy Madhur/File Photo

(Hadalsame) 06 Maajo 2022 – Maraykanka ayaa sheegay in uusan Ukraine siinin xog sir ah sida lagu eedeeyay, taasoo u ogolaatay inay duqeeyaan oo dejiyaan calan-sidhii Ruushka ee Badda Madow ee Moskva oo xilligaa taagnaa xeebta Odessa bishii hore, sida uu sheegay Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, John Kirby, oo warbixin siiyey warbaahinta.

Wuxuu ka falcelinayey warbixin uu soo saaray hilinka NBC Khamiistii, isagoo sheegay in saraakiil Maraykan ah oo sirdoon ihi ay ka Ciidamada Kiev ka caawiyeen inay beegsadaan Markabka Moskva.

“Ukraine waxay leeyihiin awood sirdoon oo iyaga u gaar ah si ay ula socdaan oo ay u beegsadaan maraakiibta Ciidamada Badda ee Ruushka, sidii ay sameeyeen markkan,” ayuu yiri Kirby.

Ruushka ayaa ku adkeysanaya in markabkiisa gantaalaha kuruuska aan la weerarin, balse uu iskuu u degey 14-kii Abriil kaddib markii dab ka kacay markabka uu sababay qaraxa rasaastii iyo gantaalihii saarraa.

Mid ka mid ah badmaaxiintii markabka ayaa la xaqiijiyey in uu shilkaasi ku dhintay, 27 kalena waa la la’yahay, halka 396 kale oo shaqaalihii la socdey markabka si nabad ah looga saaray, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushku, waloow Galbeedku ay sheegeen inaan qofna ka fiigin shilkaasi.

Sida laga soo xigtey saraakiil aan la magacaabin oo la hadlay NBC, Kiev ayaa ka codsatay Washington inay u bar garato markabkan oo marayey Badda Madow ee koonfurta Odessa.

Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in ay markiiba codsigaa ka jawaabeen iyagoo Ukraine u sheegay haybta markabka Moskva iyo meesha rasmiyan uu marayey marka la adeegsado tilmaamayaasha rasmiga ah.

Hadalsame Media