DEG DEG: Markab ka mid ah kuwa ugu casrisan Ruushka oo lala helay isla gantaalihii lagu quusiyey markabkii Moskva

0

(Hadalsame) 06 Maajo 2022 – Markabka casriga ah ee Admiral Makarov, oo ah markab Ruush ah oo ah dabaqadda Admiral Grigorovich, ayaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay gantaalada lidka maraakiibta ee Neptune isagoo maraya Badda Madow.

Inkasta oo aan ilaa hadda la daabicin sawirrada markabkan, haddana diyaarado badan oo samatabbixin ah iyo maraakiib ayaa la sheegayaa in ay u gurmadeen markabka oo la rumaysan yahay in uu gubanayo sida ay faafinayso OSINT.

Haddii ay run tahay, tani waxay noqon doontaa markabkii ugu casrisanaa ee Ciidanka Badda Ruushku leeyihiin ee loo saaro ama loo diro dagaalka Ukraine.

Makarov ayaa sidoo kale ah meel laga rido gantaalaha Kalibr ee cruise-ka ah waxaana loo adeegsadaa weerarrada ka dhanka ah Ukraine.

Waxaa kale oo uu noqonayaa markabkii 2-aad ee wayn ee ay duqeeyaan Ukraine oo horay u quusiyey Markabkii Moskva oo ah calan-sidihii Badda Madow oo lala helay isla gantaalaha Neptune ee ay Ukraine samayso.

Hadalsame Media