Dal kale oo tirsan EU oo si adag u diidey in uu NATO ku biiro & in Ukraine ururka EU lagu soo daro

0

(Hadalsame) 06 Maajo 2022 – Inta badan dadka dalka qadiimiga ah ee dhexdhexaadka ah ee Austria ayaa ka soo horjeeda ka mid noqoshada Gaashaanbuurta NATO, sida ka muuqata ra’yi ururin cusub oo arrintaa daaha ka qaadday.

Sahan uu sameeyay horraantii bishan Maajo Machadka Vienna ee Ra’yi Ururinta iyo Falanqaynta Xogaha taasoo ay u xilsaartay Wakaaladda Wararka ee Austria, ayay 75% dadwaynaha ka mid ihi ku diideen in waddankoodu ku biiro NATO, iyada oo 14% kale ay taageersan yihiin xaaladdan oo kale.

1,000 ka mid ah dadka la waraystay, 52% waxay sheegeen inay rumaysan yihiin in dhexdhexaadnimada Vienna ay bixinayso difaac ku filan khataraha dibadeed, halka 40% aanay la qabin aragtidaasi.

Yeelkeede, ilaa 83% ka mid ah jawaab bixiyaasha ayaa ka hadlay inay jeclaan lahaayeen in la yagleelo isku xir dhow oo dhanka amniga iyo siyaasadda difaaca ah oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Mar la weydiiyay in ay aaminsan yihiin in Ukraine lagu soo daro Midowga Yurub, 46% waxay sheegeen inay ka soo horjeedaan ku biirista Kiev ee EU, iyadoo 38% oo qur ihi ay muujiyeen inay taageerayaan aragtidan. Hungry iyo Jarmanka ayaa iyana horay u diidey in Ukraine lagusoo daro EU.

Austria ayaa tan iyo markii ay heshiiska la gashay Ciidamadii Xulafada ee qabsaday Dagaalkii 2-aad ee Adduunka oo ka baxay bishii Oktoobar 1955-kii, waxay qaadatay inay dhexdhexaad ka noqoto Gaashaanbuurihii NATO & WARSAW iyo xitaa inay saldhig ciidan midkoodna siiso, iyadoo sidaa ahayd intii lagu jirey Dagaalkii Qaboobaa iyo sannadihii xigey oo idil.

Yeelkeede, laba waddan oo kale oo Yurub ah kuwaas oo ilaa dhowaan sheeganayey inay dhexdhexaad yihiin – Sweden iyo Finland – ayaa dhowaan ku dhawaaqay qorshayaal ay ugu biirayaan NATO kaddib weerarka Ruushka ee Ukraine.

Sida laga soo xigtay ra’yi ururin dhowr ah, dadwaynaha dalalkan ayaa ku biirista isbahaysiga NATO soo dhoweeyey iyagoo aragtidoodii bedeley kaddib weerarkii Ruushka ee dabayaaqadii bishii Febraayo, iyadoo inta badan Finnish-ka iyo Iswidiss-ku ay hadda si adag u taageersan yihiin xubinnimada NATO.

Hadalsame Media