Ruushka oo ku dhaqaaqay arrin uu ku baqdin gelinayo Finland & UK oo sheegtay inay dagaalka toos usoo gelayso haddii uu weeraro Finland & Sweden

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2022 – Dayuurad nooca qumaatiga u duula ah oo ay Ruushku leeyihiin ayaa ku xadgudubtey hawada Finlad si ay u cabsi geliso dalkan oo isu diyaarinaya inuu ku biiro NATO.

Dayuurad Millateri oo nooca Mi-17 ah ayaa duushay 2-3 mayl gudaha xadka Finland, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi Finland.

Finland ayaa dardar gelisey dalabka ay ku doonayso inay ku biirto xulafada difaaca reer Galbeedka ee NATO tan iyo markii Ruushku soo galay Ukraine, taasoo caro ka hurinaysay gudaha aqalka Kremlin-ka.

Sweden oo ah dalka oo “dhexdhexaad” ahaa 200 oo sano ka badan ayaa isna ka fikiraya inuu ku biiro NATO kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine 24kii Febraayo.

Yeelkeede, Ruushanka ayaa labadan dal u sheegay in salkood hoog yahay haddii ay ku biiraan xulufada gaashaandhig ee NATO.

Dhanka kale, taangiyada Ingiriiska ayaa lagu sawiray iyagoo ciyaar dagaal ama dhoollatus ciidan la samaynaya Finland iyo dalal kale iyadoo UK ay Ruushka uga digtey inay u gurman doonto Finland iyo Sweden haddii ay soo weeraraan ciidamada Vladimir Putin.

Hadalsame Media