MW Biden & Putin oo lasoo wada baxay dayuuradda lagu naanayso ”Yoowmal Qiyaamaha” & dhoollatus ay sameeyeen + Sawirro

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2022 – Dayuuradda MW Joe Biden ee lagu naanayso ‘Dayuuradda Yoowmal Qiyaamaha,’ oo ah mid ka duwan tan Air Force One ee aadka loo yaqaan loona naqshadeeyey inay u gigsato weerar nukliyeer oo dunida ka dhaca, ayaa la arkay iyadoo samaynaysa dhoollatus shidaal qaadasho meel ka mid ah hawada koonfurta California.

Dayuuraddan oo la yiraahdo E4-B Nightwatch kana kooban raxan 4 xabbo ah, ayaa loo naqshadeeyey inay u gigsato kaah-falka nukliyeerka iyo inay talis-cireed duulaya u noqoto Ciidamada Maraykanka ee daadsan daafaha caalamka.

Mid ka mid ah diyaaradahan – oo ah nooca Boeing 747 oo markii ugu horreeysay howsha  soo gashay 1980-meeyadii – ayaa shalay u duushay saldhig-cireedka Ciidanka Cirka UK ee RAF Mildenhall oo ku yaal Suffolk, iyadoo shidaal ku qaadatay hawada dhexdeeda markii ay ka soo tallaabtay Badwaynta Atlantic.

Diyaaradan waxaa loogu talagalay in ay ka badbaado garaaca elektromagnetic-ka ee ka dhasha qaraxa nukliyeerka ee gaaraya jihooyinka ku xeeran halka lagu dhuftay iyo in ay isku xirto cutubyada ciidamada Maraykanka ee adduunka oo dhan si ay uga jawaabaan weerar  kasta oo cadaawe.

Diyaaradahan ayaa awood u leh inay amar ka soo gudbiyaan Madaxweynaha oo ay u gudbiyaan maraakiibta gujiska ah ee Nukliyeerka xambaarsan ee Maraykanka iyo gantaalaha baalistigga ah ee ICBM, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin ‘Pentagon duulaya’.

Tillaabadan ayaa imanaysa kaddib markii uu isla todobaadkan uu MW Vladimir Putin isna soo bandhigay dayuuraddiisa ‘Yooqmal Qiyaamaha’ taasoo la arkayey iyadoo ay diyaarado kale gelbinayaan oo dhoollatus ku samaynaysa duleedka Moscow.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa heegan sare geliyay ciidamadiisa Nukliyeerka wax yar kaddib markii uu dagaalka ku galay Ukraine, waxaana saraakiishu ay ka walaacsan yihiin in uu adeegsado hubka Nuclearka kaddib markii taageerada adag ee reer Galbeedku ay Ukraine ka dhigtay mid ka caabbin adag sidii uu filayey.

Dayuuradahan Ruushka ayaa ah talis guurguuraya oo saamaxaya inay hawada amarro ka bixiyaan iyadoo awood u leh inay hawada shidaal ku qaadato, isla markaana la xiriiri karta gujisyada guluclaynaya gunta badda gacan uu wareeggiisu dhan yahay 6,000 oo km.

Haatan, Ciidanka Hawada Sare ee Ruushka ayaa leh ilaa 4 dayuuradood oo ah nooca taliska guur guuraya ah sida ee Il-80, kuwaasoo laakiin gabow ah oo la sameeyey waayihii Soofiyeetka.

Hadalsame Media