Maxaad ka taqaan qoyska hodanka ah ee Maraykanka ka caawiyey dhismaha qumbuladdii lagu qarxiyey Japan Dagaalkii 2-aad ee Adduunka?!

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2022 – Qoyska Di Boonti (Du Pont Family): waa qoyska kamid ah kuwa ugu hodansan Mareykan. Magaca Du Pont wuxuu ka soo jeedaa awoowaha qoyska oo la yiraahdo Pierre Samuel du Pont de Nemours (1739 – 1817), kaas oo asalkiisu ahaa Faransiis.

Sanadkii 1800, isaga iyo labadiisa wiil (Victor iyo Eleuthera-Lawrence) waxay u qaxeen Mareekanka, kadib markii uu dalka Fransiiska ka curtey kacdoonkii waynaa. Halkaas qoyskan waxay ku noqdeen boqortooyo kiimikaad oo leh hal-abuur uu kamid yahay nayloonka, Tefloonka iyo Fiber-ka kuwaas oo laga sameeyo ilaalinta sunta rasaasta iyo lakabyada ka samaysan polymeeryada kale.

Tan iyo bartamaha qarnigii 19-aad, qoyskan ayaa wuxuu kamid ahaa caa’iladaha ugu hodansan Mareekanka. Noloshooda waxay ka soo bilaabatay sanadkii 1802-kii oo qoysku ay wershad gibin ah ka dhisteen daanka webiga (Brandywine River) ee ku dhow degmada Wilmington ee dowlad-goboleedka Delaware. Wershaddu waxay ahayd mid riiqda baaruudda.

Qoysku waxay halkaas ka heleen biyihii ay wershadda u baahneyd iyo dhirtii ay ka dhigan lahaayeen dhuxul ay ka dhaliyaan tamar. Webigaas ayay magaalada Wilmington kaga gaadiideysan jireen oo kiimikada oo ay ku soo qaadan jireen kiimikada (Sulfur iyo Nitrate) ay wershadda u baahan tahay.

Waxaa kale oo degaanka u dhowaa meel dhagaxyada laga helo, kuwaas oo ay ugu baahnaayeen dhismaha. Halkaas ayay ka soo bilaabatay hantida ballaaran oo reerkan ay ka sameeyeen kiimikada. Muddo gaaban dabadeed, qoyska Du Pont wuxuu noqdey soo saaraha ugu wayn ee budada madow ee baaruudda laga sameeyo. Hantida xooggan ay qoyskan ay tabceen ayaa waxay gayeysiisey in ay qayb xoog leh ka qaataan siyaasadda. Intii lagu jiray qarniyadii 18-aad iyo 19-aad, reerkan waxay gacan ka geysteen gorgortanka mashruucii ku abyoodey heshiiska la magac-baxay iibsashadii Luusiyana (Louisiana Purchase).

Mashruucu wuxuu ahaa mid la xiriira dhul wayn oo dhaca bartamaha Mareekanka oo ay lahayd dowladda Fransa. Dhulkaas oo ahaa degaan uu Fransiisku gumeysto, ayaa maanta waxaa dhaca 12 maamul-goboleed oo Mareekan ah iyo laba degmo oo Kanada ah. Wuxuu ku fadhiyaa bed gaaraya 2,140,000 km2 oo uu kamid yahay daanta galbeed ee webiga Mississippi.

Sanadkii 1803-dii, heshiiska iibsiga wuxuu ka dhacay magaalo-madaxda Fransa (Baariis). Dhulka intaas le’eg qiimaha lagu iibiyay wuxuu ahaa 15,000,000 oo dollar. Lacagtaasi waxay u dhigantaa 18 dollar 1-kii mile oo walba.

Dhanka Mareekanka waxaa heshiiska ku khasbayay baahida ay u qabeen madax-bannaanida iyo is-haysadka dhulkooda. Sidaa darteed, madax-waynihii Mareekanka, Thomas Jefferson (1747 – 1826) waxaa ka go’naa in uu xoog ku qabsado degaankan.

Dhanka Fransiiskana waxaa ku khasbayay iibsiga, hoggaamiyahoodii Napoleon Bonaparte (1769 – 1821) ayaa wuxuu isu diyaarinayay dagaalkii wayna ee Fransa ay ku qaadey dowladaha dunida. Sidaa darteed wuxuu u baanaa dhaqaale uu dagaalkaas ku galo. Xubnaha caa’iladda Du Pont waxay door wayn ku lahaayeen wada-hadalladii dhexmaray labada maamul ee mashruucan iyo xataa lacagtii lagu iibiyay dhulka.

Horaantii qarnigii 19-aad, qoyskii qaxootiga ahaa wuxuu noqdey isha ugu wayn ee ciidanka Maraykanka siisa baaruudda ay adeegsadaan. Kadib qoysku wuxuu bilaabay in uu soo saaro tiro aad u badan oo dinamiit ah. Howshaasi waxay wadeen illaa uu soo baxay sharciga magaciisu ahaa Schimmel Antitrust Act. Sharcigan oo soo baxay sanadkii 1890-kii, ayaa wuxuu yahay mid federaal ah, Wuxuu xakamaynayaa ganacsiga sida ixtikaarka ay dad gaar ah u haystaan oo aanan lagula tartami karin.

In kasta oo sharcigan la dhaqan-geliyey, qoyska Du Pont waxay awoodeen in ay sii wadaan awoodda wershadaha rasaasta, waxayna bixiyeen 40% dhammaan qalabkii ay isticmaaleen dalalkii xulafada ahaa dagaalkii koowaad ee adduunka.

Du Pont ayaa door weyn ka ciyaartay Mashruuca Manhattan si loo abuuro qarax curiya ah (atomic bomb) intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka. Sababtu waxay ahayd, in iyagu ay wax ka naqshadeeyeen waxna ka dhiseen oo xataa ay iyagu ahaayeen kuwa maamulayay warshaddii Hanford Plutonium ee Washington, taas oo lagu dhisayay qaraxa.

Waa wershaddii ugu horeysey ee lagu farsameeyo bambada nuklierka ah. Intii lagu jiray dagaal-waynihii II-aad ee dunida, shirkadihii qoyskan waxay soo saareen qaraxyo baaruud ah oo kala duwan, kuwaas oo gaaraya 4 bilyan iyo bar kg. Baaruudaas ayaa waxay kamid ahayd dogobyadii lagu hurinayay dabkii colaaddaas. Sanadkii 2014-kii, shirkadda Du Pont waxay ahayd shirkadda afaraad ee kiimikada ee ugu wayn adduunka iyo shirkaddii siddeedaad ee dakhliga ugu weyn uu soo galo.

Shirkadaha kiimikada ee qoyskan ee qarnigii 20-aad hana-qaadey waxaa kamid ah DuPont oo ah shirkad ka shaqaysa kiimikada midda labaad ee dunida ka dhisan. Waxaa kamid ah TDCC (The Dow Chimical Company). Waxaa kale oo kamid ah shirkadda Corteva oo shaqadeedu tahay kiimikada ilaalinta cawska (Lawns), qurxinta muuqaallada dabiicadda (Landscapes), dhirta wax lagu qurxiyo (Ornamental Plants), aqallada cagaaran (Green-houses) iyo hagaajinta garoomada goolafka cayaaraha.

Shirkadahan ayaa waxay sameeyaan baaruudda, blaastikada, raashinka, daawada, agabka dhismaha iyo kiimikada beeraha. 180 dowladood ayay xarumo ku leeyihiin. Hantida qoyska waxay gaarsiisan tahay 14 bilyan oo dollar. Maanta, 10 % dadka Mareekanka ah ee ku dhaqan gobolka Delaware waxay ka shaqeeyaan shirkado ay leeyihiin qoyskan.

W; D: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media