Maraykanka oo Putin ku dhuftay meel aad u xunuujinaysa & Ruushka oo ka xumaaday

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2022 – Maraykanka ayaa waxa uu Ukraine siiyey xog sirdoon taasoo u ogolaatay ciidamadeeda inay beegsadaan oo ay dilaan qaar badan oo ka mid ah jeneraallada Ruushka ee ku dhintay dagaalka hadda socda, sida uu haatan qoray New York Times, oo soo xiganeysa saraakiil sare oo Maraykan ah.

“Caawinta la sheegayo waa qayb ka mid ah dedaallada sirta ah ee Maamulka Biden si ay Ukraine u siiyaan xog sirdoon goobta dagaalka ah waqtiga dhabta ah,” ayay qortay NYT oo ay u warrameen saraakiishu.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Maraykanku uu Ukraine u sheegay goobta iyo tafaasiil kale oo ku saabsan talisyada guurguuraya ee ciidamada Ruushka, waxaanay Ukraine isku dartay xogtan iyo sirdoonkeeda, kuwaas oo ay ku jiraan wada hadallo dhex-maraya saraakiisha Ruushka oo ay dhexda ka qabteen, kuwaas oo ka caawiyey helitaanka halka ay joogaan saraakiil sare oo Ruush ah. Kaddib Ukraine ayaa weerarro iyo duqaymo kale ku qaaday goobahaas.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in ay dileen ku dhowaad 12 jeneraal oo ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka – tiradaas oo aad u badan, sida ay qabaan falanqeeyayaasha militeriga badan.

Ruushka oo sidoo kale la saaray ilaa 6,000 oo cunaqabatayn, ayaa arrintan aad uga xumaaday isagoo dhowr mar ku gooddiyey inuu adeegsan karo hubka nukliyeerka.

Hadalsame Media