DAAWO: Ruushka oo Ukraine geeyey madfaca ugu wayn caalamka (Wuxuu xitaa qaadi karaa madaxyo nukliyeer ah)

0

Ruushka ayaa dalka Ukraine keenay madfaca ugu wayn adduunka si uu uga qayb qaato dagaalka uu halkaa ka wado.

Qorigan oo 2020-kii dib loo casriyeeyey waxaa sanceeyey Midowgii Soofiyeeti magaciisuna waa 2S7M Malka waa hababka madaafiicda iskood isu riixa ee aadka u culus, iyadoo nidaamyadani ay markii ugu horreysay shaqo galeen 1976-kii.

2S7 Pion maraarihiisu waa 203mm, taasoo dhaafsiisay madaafiicdii ugu waawaynayd ee 155mm iyo midka 170mm Koksan ee ay isticmaasho Woqooyiga Kuuriya.

Madficiisu wuxuu tiiro ahaan gaari karaa masaafo dhan 37.5km ilaa 47.5km.

Midka qura ee u dhigma waa howsarka uu Maraykanku sameeyo ee M110 oo isna ah madfaca qura ee uu maraarihiisu gaarayo 203mm ee haatan jira.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media