“Wiil aan haasawno ayaan ugu sheekeeyey inaan ka shaqeeyo xafiis dowladeed balse maxaa iga raacay?!”

0

(Hadalsame) 04 Maajo 2022 – Mid aan ugu sheekeeyey xaafiis dowladeed ayaan ka shaqeeya ayaa isoo wacay markaasuu wuxuu maqlay naag aan u shaqeeyo oo igula qaylinaysa dharka ninkayga ayaad wasakh ku gooysey.

intaasna kuma ekaysane waxay ii raacisay hal digsi oon wax ku karsanno mahaysanno oo adiga mid walba salka ka gubey…. Ceebey tacaal.

Waa sababta aanan u jeclayn inaan telefoon qabto oo wax badan ayaan diidayaa inay fashilmaan. Almuhiim kii ila hadlaayey wuu aamusay anigoo og inuu naagta hadalkeeda dhagaysanaayo.

Balse anigii ayaa waxaan furay qaylo si uusanba waxba u maqal oo waxaaan bilaabay hadallo isku dhex qasan oo naagtuna eeysan iiga baran.

Mar ayeeyba ku sigatay inay cararto oo waxeey istir qoftu waa xanaaqday ninkeedii oo meel waxyar noo jirta TV ku daawanaayey ayaa soo orday oo yiri:

“Maxaa dhacay, adiga khadaamooy lacag bilaash ayaad qaadataa naagtaydana waadka qaylisiisaa ee ama si fiican u shaqayso ama bax!”

Intaasi waxay ku dhacayaan dhegaha midka khadka iigu jira dhibka Carabta iyo qaylada waxaa iiga daran midkaan ogaanaya inaan ahay khadaamad, waxna aan ka qabanayn.

Ha yeeshee, maalintaas wixii ka dambeeyey waxaan bilaabay inaan ku qanco shaqadayda adeegtada ah ee guryaha iyo inaan bulshada u sheegi karo waxaan ahay.

Kii asaga ahaa ee xilligaas khadka iigu jirey maalmo kaddib mar aan isku dhacnay wax kale oo uu igu caayo intuu waayey ayuu igu dhahay: “Kadaamo tuugo ah ayaa tahay.”

Maalintaas aad baan uga xumaaday waana ooyey ila aan ku shallaayey beentaadii ayaa ku roonayd iyo xafiiski aad ka shaqayneysay, waayo Soomaali ayaad ka dhalatay oo saan ayaa laguugu bahdilaa shaqada ninkii dambe eed isbarataan xafiisle u sheeg almuhiiim hadda xafiis ayaan ka shaqo bilaabay, oo sidaas ayaa ii dhegsan.

W; Q:  Mullaaxo Sabriye

Hadalsame Media