Nin Ruushka jooga oo sheegtay inuu yahay MW Midowgii Soofiyeeti & waxa ku dhacay

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2022 – Maxkamad ku taal Moscow ayaa maanta xabsi 8 sano ah ku xukuntay nin sheegtay Ku-simaha Madaxweynaha Midowgii Soofiyeeti kaddib markii lagu helay inuu abuuray urur xagjir ah.

Dembiilaha oo hore u ahaa dhakhtarka Ilkaha, ayaa ku baaqay in la diido oo lagu gacan sayro sharciyada Ruushka, lana soo celiyo Sirdoonkii KGB ee Soofiyeedkii.

“Maxkamaddu waxay Sergey Taraskin ku heshay dambi ah inuu aasaasay urur dadweyne [oo loo arko inuu yahay xagjir] waxayna ku xukuntay siddeed sano oo xabsi ah,” Adeegga Saxaafadda ee Maxkamadda Degmada Moscow ee Zelenogradskiy ayaa sidaa u sheegtay TASS. Labo sano ayaa laga saari doonaa xukunkiisa maadaama uu Taraskin xabsi guri ku jirey tan iyo 2020-kii.

Sida laga soo xigtey ninkan madaxwaynaha isku magacaabay, kala diristii USSR waxay ahayd sharci darro sidaa darteed sharcigiisu weli wuu jiraa.

Wuxuu marka ku andacoonayaa in Dastuurka Ruushku aanu awood lahayn, waana in la iska indhatiraa sharciyada Ruushka. Si uu u meel mariyo xukunkiisa, dhakhtarkii hore ee ilkuhu waxa uu soo saaray go’aan uu ku soo qoray baraha bulshada isagoo amraya in la soo celiyo KGB ee Soofiyeedkii.

Taraskin, oo sidoo kale la sheegay in uu isku magacaabay ‘Master of the Universe’, ayaa aasaasay Midowga Ciidamada Qoowmiyadda Slavic-ga ee Ruushka, oo sidoo kale loo yaqaan USSR, 2010.

Waxayna dhammaan howlahani bilaabmeen markii ganacsigii Taraskin uu kacay oo maxkamaddi ay go’aamiyay in uu agabkiisa shaqada ka saaro xaruntiisa caafimaad ee uu kirada ugu jirey.

Yeelkeede, dhakhtarkan ilkuhu wuxuu isku dayey inuu rafcaan ka qaato go’aanka maxkamadda isagoo sheeganaya inuusan ahayn kaliya Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee USSR, laakiin sidoo kale uu yahay boqorka iyo taliyaha guud ee Boqortooyada Ruushka.

Markii dambe, wuxuu xitaa isku dayay inuu ku dhawaaqo Dagaalkii 3-aad ee Adduunka (III) oo ka dhan ah NATO.

Sida laga soo xigtey Sirdoonka Ruushka ee FSB, jamciyadda kale ee Taraskin dhisay ee dadka Slav-ka waxaa ku jira in ka badan 150,000 oo qof oo isaga raacsan.

Hadalsame Media