”Habeen ayuu xitaa meesha seexday!” – Wasaaradda Gaashaandhigga oo baaraysa ”wadaad” beenaale ah oo ku guulaystey inuu gudaha u galo Qasriga Boqortooyada UK

0

(London) 04 Maajo 2022 – Millateriga Britain ayaa Talaadadii sheegay inay bilaabeen baaritaan kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in nin wadaad iska dhigaya oo ku guuleystey inuu gudaha u galo xeryaha Ciidamada Coldstream Guards. Ninkan beenlowga ah ayaa waxa uu dhexgalay askarta caanka ah ee u xilsaaran ilaalinta boqoradda UK, isaga oo xitaa habeen ku qaatay Victoria Barracks oo u dhaw Qasriga Windsor.

“Ciidanku waxa uu si dhab ah u qaadanayaa jebintan amni, waxaana si qoto dheer loo baari doonaa iyada oo loo tixgelinayo arrin mudnaan sare leh,” ayuu ballanqaaday afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga, laakiin waa uu diiday in uu faallo dheeraad ah ka bixiyo dhacdada, sababta oo ah hadda waa arrin uu baaritaan ku socdo.

Jebinta ammaan, oo dhacday usbuucii hore, ayaa markii ugu horreysey sheegtay The Sun Isniintii. Sida laga soo xigtey isha warqaadkan facsharka ah, ninku wuxuu ka soo muuqday albaabka xerada isagoo ku guulaystey inuu soo galo isaga oo aan wadan ama muujin wax aqoonsi ah.

“Ninku wuxuu mar qura ka soo muuqday albaabka, wuxuu sheegay in magaciisa la yiraahdo Father Cruise isagoo sheegtay inuu saaxiib la yahay Wadaada Guutada, Reverend Matt Coles. Waa deeto lagu casuumay gudaha, waxaana la siiyey wax uu cuno,” ayuu u dhignaa qoraalku.

Wadaadkii beenaalaha ahaa wuxuu islamarkiiba saaxiib la noqday waardiyeyaashii xarunta oo “laba saacadood gudahood wuxuu wax la cabbayey askartii ku sugnayd baarka.”

Ninku waxa uu saaxiibbadiisan cusub ku maaweelinayey sheekooyin aan macquul ahayn oo ay midiba mid isu dhiibayso oo sharaabka ku saabsan, isaga oo ku faanaya in uu kasoo dagaallamay dalka Ciraaq oo uu helay bilad geesinimo. “Wuxuu sheegayay sheekooyin dhaadheer oo badan, askartuna waxay ku raaxaysanayeen beentiisa,” isha ayaa intaa sheegtay.

MARKII DAMBE BARAXA AYUU KA BADIYEY

Markii danbe ayay ahayd kolkii uu bilaabay ka sheekaynta inuu xitaa duuliye tijaabo ahaa gaar ahaan sida baarashuudka looga goosto dayuuradaha dagaalka marka ay cilladi ku timaado ama gantaal lala helo, taasoo keentay inay askartu shakiyaan.

Yeelkeede, in kasta oo ay qabeen “tuhunno,” wadaadkii ayaa ku guulaystey in sariir laga siiyo xerada oo uu habeenkii halkaa ku hoydo. Ninkan ayaa subaxnimadii oo qura la baaray, kaddib markii loo yeeray Ciidamada Booliiska oo xerada kasoo saaray ninkii beenlowga ahaa. Ninka ayaanse la soo xirin, mana jirto ilaa hadda wax tallaabo ah oo laga qaaday.

Hadalsame Media