”Xitaa weerarka Ruushka waa ogaayeen” – Ukraine oo sheegtay dal ka tirsan NATO oo doonaya inuu qabsado gobol dalkooda ka mid ah

0

(Hadalsame) 03 Maajo 2022Dowladdan ayaa horay loogu wargeliyay weerarka Ruushka, waxaana ay rajeyneysaa inay lafteedu qabsato qayb ka mid ah dhulka Ukraine, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Kiev Isniintii, isagoo intaa ku daray inay jiri doonto “cawaaqib xumo” soo wajihi karta Hungary.

Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Hungary ee Viktor Orban lagu daray kayd-xogeedka ay ku jiraan cadawga Dowladda Ukraine.

Hungary “si furan ayay uga hadashaa iskaashiga ay la leedahay Ruushka. Intaa waxaaba ka daran, waxaa digniin hor-dhac ah siiyey [Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin] in dalkeenna la weeraro,” ayuu yiri Alexey Danilov, Xoghayaha Golaha Amniga iyo Difaaca Qaranka ee Ukraine (NSDC), intii lagu jirey xog-siin warbaahineed.

Wuxuu xilligan ka jawaabayey xamxamta ah in Hungary oo horay dood uga keentay in Ukraine lagu daro EU ay sidoo kale horjoogsan karto oggolaanshaha xubinnimada Ukraine ee NATO.

Hungary “waxay u malaynaysey inay qaadan karto qayb ka mid ah dhulkeenna,” ayuu Danilov ku daray. “Tani weligeed dhici mayso. Hubaashii guushu annagaa leh. Dalka Hungary ee sidan u dhaqmay, waanu arki doonnaa waxa uu cawaaqib u yeelan doono dalkan. ” ayuu ku qayliyey.

Arrintani waxay u badan tahay inay salka ku hayso Transcarpathia – oo ah gobol ku yaal Galbeedka Ukraine oo ay ku nool yihiin 150,000 oo ah qowmiyadda Hungarian-ka – kaas oo sidoo kale ahaa arrin khilaaf ka dhex taagta dalalka Czechoslovakia, Hungary, iyo Midowgii Soofiyeeti ee burburay intii lagu jiray qarnigii 20-aad.

Hadalsame Media