“Farxad ayaan la ilmeeyey dadaalka ay xaaskaygu samaysay dartii” – Sheekooyinka Ciidda

0

(Hadalsame) 03 Maajo 2022 – Waaberigii ay afarta jiho is qabsaneysay takbiirta ciiddu wuxuu mashquul ku ahaa xirxiridda loor bariis ah oo uu fidro ahaan ugu qeybin rabay dadka saboolka ah.

Laftiisu waa saboolniyadda ka nool. Maalin kahor markii uu suuqa ka doonay dharkii carruurta waxaa la faarujiyey jeebabkiisa.

Carruurta waxaa uga sii darnaa xaaskii oo Ramadaanka oo dhan iyada oo uur leh afur iyo suxuur u dhaxeysay. “Maxaan uga dhigi karaa abaalgud” ayuu iswaydiiyey.

Wuxuu garaystay in waxa yar uu haayo uu uga dhigo lamafilaan. Boqol doollar oo uu si gaar ah u aruuriyay oo uu rabay in uu salaadda ciidda kadib kaga yaabsado ayuu guntiga ku sii qaatay.

Albaabka markuu ka sii baxayay ayay tiri “guriga hooyo ayaan aniga iyo ilmuhu u ciidaysan rabnaa ee maxaa kuu qorsheysan”.

Wuxuu is yiri si ay farxaddeedu u badato hadda been u sheeg oo iyada oo aanan ku maleysaneyn marka salaadda aad ka soo baxdo lacagta yar uga farxi.

“Asxaabteyda ayaan meel u raaci rabaa ee hooyo igu salaan” ayuu ku dhaafay.

Salaaddii ayaa laga salaamanaqsaday. Sanduuqa markii uu kabaha kala soo baxayay ayay farriini u soo dhacday, dibadda masjidka markuu ku illanayayna mid kale ayaa xigtay. Taleefankii ayuu furay.

Wuxuu arkay lacag toddobaatan doollar ah oo ay xaasku u soo dirtay. Farriintii kale ayuu eegay. ” gacaliye, ciid wanaagsan. Waa lacag aan ka reebay adeegyadii afurka iyo suxuurta oo aan ugu talagalay in aan maanta oo kale kaaga farxiyo ee asxaabtaada kula ciid”.

Ooyin ayuu is celin waayey. Wuxuu isku dayay in uu farriinta ka jawaabo, balse ilmada darteed ayuu wax la arki waayay. Xoogaa ayuu nafisay.

Mar kale ayuu taleefankii soo qabtay, balse niyadda iyo qalbigaba wuu ka waayay erayo u qalma in uu xaaska ugu mahadceliyo.

W; D: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media

Facebook Comments