3 weriye oo weli iyaga oo aan nidaam cadaalad ah marin ku xiran magaalada Hargaysa (Maxaa maamulka la gudboon?)

0

(Hadalsame) 03 Maajo 2022 – Arrimaha u gaarka ah Soomaaliland ma jecli in aan faraha la galo waayo beryahan dambe xog ogaal uguma ihi sidii aan Soomaalida badankeed uga xog roonaa ku dhowaad soddomeeyo sano oo hore, oo ay ka mid yihiin sannadihii ugu daarnaa qaarkood sida 1985, 1989, 1990 ilaa bishii Oktoobar iyo 1994 oo intaba aan goob joog ahaa.

Haddana mar haddii aan Ciidda waayey sii deyn, Intaa ka badan kama aammusnaan karo xarigga saaxiibkeey aan xirfad wadaagna nahay, Maxamed-Ilig.

Isaga iyo laba weriye oo kale ayaa xiran tan iyo nuskii hore ee bishii na dhaaftay.

Inta aan ka warqabo xukun kuma dhicin oo uu macnaheedu yahay in Maxkamad Caddaaladeed aan la soo taagin oo aan la dhegeysan dacwad ka dhan ah.

Xaggeyga waxay u dhigan tahay in aanuu helin caddaalad.

Aniga oo oday Soomaaliyeed oo saxaafadeed ah, waxaan codsanayaa in weriyayaasha haddii aan dembi culus lagu heyn loo celiyo xorriyaddooda oo la sii daayo.

Haddii dembi lagu hayana Maxkamad le geeyo, iyada oo markaa qudheeda loo eegayo baalka naxariista.

Weriye wax iga weydii. Waa miskiin, waana adeege bulsho. In lala garramo, la canaanto iyo haddii ay fogaato digniin la siiyo ayaa ka adag.

W; Q: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media