Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dhilay qorshe uu ku weerarayo dal kale intii uu wadey dagaalka Ukraine (Maxaa socda?)

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2022 – Wasiir Dibadeedka dalka yar ee Moldova, Nicu Popescu, ayaa waxa uu sheegay in dawladiisu ay arkayso “xaaladda ka sii daraysa” maalmihii la soo dhaafay, kaddib markii weeraro bambaanooyin ah lagu qaaday “Wasaaradda Amniga” ee gobolka gooni-goosadka ah ee Ruushku taageero ee Transnistria Isniintii.

Dowladda Moldova, oo aan maamulin gobolka fallaagoobey ee Transnistria, ayaa ka baaraandegeysa dhowr mala awaal oo ku saabsan sababo loo weerari karo, sida uu yiri Wasiirku, isaga oo intaa ku daray in ay noqon karaan daandaansi cad ama loogu marmarsoon karo “xiisadaha qaar ee ay wadaan ciidamada gudaha gobolkan oo ay ku jiraan kuwo Ruush ah”.

Waxa uu intaa ku daray: “Si sax ah farta uma fiiqin karno, eeddana cidna ma saari karno, laakiin waxa aan aragno ayaa ah in runtii ay jiraan ciidamo ka tirsan kuwa ku sugan gudaha gobolka oo ka shaqeeynaya khalkhalgelinta xaaladda gobolka.”

Sida laga soo xigtey Popescu, oo sidoo kale ah RW Xigeenka Moldova, mas’uuliyiinta Transnistria waxay ku dhawaaqeen todobaadkii hore inay joojiyeen dhammaan ragga da’da dagaalka gaarey inay ka baxaan gobolka, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay calaamad muujinaysa “in weli aynaan bixin aagga khatarta ah”.

Moldova oo mararka qaar lagu sheego dalka ugu faqrisan qaaradda Yurub ayaa waxaa deggan dad cirqi ahaan u badan Moldovan (75.1%), Romania (7%), Ukrainian (6.6%), Gagauz (4.6%), Russian (4.1%), iyo inta kale oo isku ah (3.22%).

Kama tirsana Midowga Yurub iyo NATO midna waxaana uu dalku aad ugu tiirsan yahay gaaska Ruushka oo lagu dhaqaajiyo korontada dalkaasi oo inta badan kasoo baxda isla gobolkan fallaagada ah.

Reer Galbeedka ayaa ku doodaya in Kremlin-ku uu ka dambeeyo qaraxyada ka dhacay Gobolka Transnistria oo uu Ukraine ku eedeeyey, si uu qiil ugu samaysto weerar uu ku qabsado gobolkaas oo ogol inuu ku biiro Ruushanka.

Duqaymaha haatan lagu wado magaalada Odesa, Ukraine, oo ku taalla afaafka laga galo gobolkan ayaan kicisay dood ah inuu Ruushku arrintaa damacsan yahay.

Hadalsame Media