ISKA JIR! Browser-ka Google Chrome oo la jabsaday & halista kuugu jirta (3 tillaabo oo ay tahay inaad qaaddo)

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2022 – Shirkadda Google waxay macaashiida isticmaala browser-ka Chrome-ka ku wargalisay in ay ka digtoonadaan adeegsiga Google chrome, sababo la xidhiidha in xogtaada la xadi karo, saacad kasta maadaama la jabsaday.

Shirkadda Google waxay sheegeen dhowrka beri ee soo socda in ay xallin doonaan dhibta dhacday ee hackers-ku ay gaysteen (the bags!). Waxayna sidoo kale la wadaageen macaamiishooda in Balaayiin macaamiil oo isticmaala browser-ka Google Chrome-ka in la beegsan karo oo ay helis ugu jiraan burcadda internet ka wax ku dhacda ee hackers-ka ah. Walina ma cadda cidda weerarka gaysatay iyo ujeedka laga lahaa midna.

Waxaa jira dad badan ama inta badan bulshadu inay user-dooda ku xafitaan Google chrome iyo Fire fox 2ba, taasna waxay keeneysaa in si fudud lagu ogaado user-daada Bangiga ama kuwa baraha bulshada iyada oo laguu soo raacayo cookies ka kala duwan ee uu browser-kaagu isticmaalayo.

Waxaa illaa saaka la beegsaday dhowr qof oo aan garanayo, sidaas daraadeed raac tallaabooyinkaan;

1. Iska tirtir gabi ahaanba Google chrome-ka.

2. Dhamaan account-kaaga aad ku istitcmaashay Google chrome ka beddelo password-kooda oo ku xiro fure sireedyo adag.

3. Mobile-kaaga ama computer kaaga restart udir kadib markaad qodobada 1 iyo 2 soo samayso.

W; D: Cabdifitaax Dalmar

Hadalsame Media