Dad aan Muslim ahayn oo cilmi baaris ku ogaadey mucjiso ku jirta hab-howleedka uu roobku ku samaysmo kuna da’o (Maxaa xikmad ku jira dhibicda?)

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2022 – Handasada ay nagu soo gaaraan biyaha roobka kama duwana handasada ay nagu soo gaaraan biyaha aqallada inoogu jira. Tubooyinkaas aanu guryaha ku adeegsano ee biyaha ina-soo gaarsiiya waxy ka soo qaada xarunta ay biyuhu fadhiyaan. Sidaas si lamid ah ayay dabayluhu ay maqaasiinnada Eebbe inooga soo qaadaan biyaha (daruuraha). Dabayluhuna waa tubooyinkii gaarsiinayay gobollada dhulka. Aadamigu awood u-malahan uu ku fara-geliyo maqaasiinada ay biyuhu ku keydsan yihiin.

Waxaa kale oo aadamigu uusan awood u lahayn in uu faraha la-galo dabaylahan soo dhaaminaya biyaha oo gaarsiinayay deegaanadii Eebbe ugu deeqey. Arimahaasi waa kuwo farsamadooda ay ka weyn-tahay aadamiga. Waxaa lagu jaan-gooyey farsamooyin sare oo lagu qoondeeyey kaltanka deeqdaas ilaahiga ah. Suuradda Al-Zukhraf aayaddeeda 11-aad, waxay kamid tahay aayadaha lagu xusey jaan-gooyada xisaabeysan ee la socota farsamada roobka. Aayaddan oo ka warameysa fiisikada roobka waxay leedahay sida:

(وَالَّذِي نَزَّلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً بِقَدَرٍ فَأَنْشَرْنَا بِهِ بَلْدَةً مَيْتًا كَذَلِكَ تُخْرَجُون)

Arimaha la-yaabka leh ee weheliya fiisikadan ee dhowaan la ogaadey waxaa kamid ah culuumta dhibicda roobka ah ee soo da’aysa. Biyaha roobka ee ka sameysmey uumiga waxay leeyihiin tilmaamo fiisiko ah oo ay kaga duwan yihiin biyaha dhulka. Sidaa darteed biyaha roobka ma qabtaan xeerarka qabanaya biyaha kale. Waxaa jirta argti lagu magacaabo (Bergeron – Findeisen theory).

Waa aragti fahamkeeda uu soo bilowdey sanadihii 1910-aadkii. Waxaa lagu sahminayay fiisikada dhibicda biyaha ah ee roobka. Waxaa howsha gardaadinayay laba aqoon-yahan oo la-kala yiraahdo T. Bergeron iyo W. Findeisen, kuwaas oo u dhashay dalka Sweden. Iyagu waxay daba-gal ku sameeyeen uumiga ay roobabku ka sameysmaan. Isaga oo hawo ah, qaabka uu uumigaas isugu-rogo dareere, doorka dabaylaha iyo qaabka ay u soo da’do.

Waxaa la ogsoon-yahay, biyaha si-kasta oo loo qaboojiyo in ayan isu rogeyn adke (baraf) illaa heer-qabowgooda uu gaaro eber (0). Sida lagu ogaadey natiijada howlihii ay labada aqoon-yahan qabteen, xeerkan ay biyaha dhulku ku qaboobayaan maahan mid qabanaya marka ay dhibicdu tahay biyo saafi ah oo aad u-yar. Dhibicda yar ee saafiga ah waxay baraf ku noqotaa heer-qabowga ka hooseeya -40 °C. Arintani waxay sabab u tahay in daruuruhu, iyaga oo qabowgoodu uu ka hooseeyo eber ayan baraf isu-rogin oo ayan dhulka ku soo dhicin iyaga oo dhagxan. Haddii ay taasi dhici lahayd, barafkaas dhagaxa noqdey dhaawac ayuu geysnayaa. Biyaha ay daruuraha sidaan waxay awood u leeyihiin in ay ilaashadaan tilmaantooda dareere iyaga oo heer-qabowgoodu yahay -30 °C. Waxaa lagu qiyaasaa in 1 mm³ (one milli-meter cubic) oo daruur ah ay ka kooban tahay hal bilyan oo curiye (atom) oo biyo ah.

Sidaas si lamid ah ayaa 1 m³ oo daruur ah waxaa ku urursan dhibco-biyood yar-yar oo qiyaastii gaaraya 1000 -5000 dhibcood oo biyaha roobka ah. In dhibicdani ay isu beddesho dhibco biyaha roobka ah, waa howl ku dhisan farsamo xisaabeed oo xeel-dheeri ku dheehan tahay. Dhibcahaas yar-yarka ah, ayaa iyaga oo ku socda hab qiyaas ah waxay isla-dhisayaan dhibco ka waawayn. Si wada-jir ah ayay dabadeed u dhisayaan barta sayaxa iyaga oo markaas aad u qaboobey. Halkaas ayay ka bilaabanayaan dhiska daruuraha kala duwan oo roobka noqonaya. Dhibicda roobka ah ee samada ka soo dheceysa iyada oo ku socota xawaare joogto ah oo aanan is-beddelin ayay soo hoobanaysaa.

Dhibcahaas biyaha ah ee qabow ee yar-yar, markii ay dhulka u soo socdaan waxay u dhexeeyaan awoodda cuf is-jiidka dhulka iyo awoodda ka dhalaneysa xoqniinka hawada (Air Friction) ay dhibicdu soo jibaaxayso. Xawaarahaas ayaa lagu qiyaasaa in uu yahay 9 m./ il-biriqsigii. Masaafada ay daruurtu u jirto dhulka waa 2000 – 6000 m. Dhibic-roobaadka yar-yar oo dhex-roorihhiisu (radius-kiisa) uu yahay 0.15 cm, xawaarahoodu waa 7 m./ il-biriqsigii. Marka ay dhibicda biyaha ay soo dhacdo iyada oo xawaarahaas ku socota, shaki-la’aan wixii ay ku dhacdo waa ay dhaawacaysaa.

Si dhaawacaas looga badbaado, inta ay dhexda ku soo jirto waxaa is-dhimiya xawaarihii. Sababtu waxay tahay, waxaa is-beddelaya muuqaalkii ay lahayd dhibic-biyoodka. Waaxa ballaaranaya dhibicda meesheeda oogada ah oo dhanka kore xigta. Isla-markaas dhibicda dhankeeda hoose waa ay dhuubanaysaa. Dhibic-kasta waxay u muuqaal ekaanaysaa dalladaha dayuuradaha lagaga soo boodo (Parachute). Arintaasi waxay yareeneysaa xawaaraha xooggan oo ay dhibicdu ku soo hoobatay markii ay dusha joogtey.

Mar-kasta oo dhibicdu ay dhulka u soo dhowaato waxay heleysaa xawaare ku haboon oo ay dhulka ku soo gaadho. Haddii dhibicdu ay dhulka soo gaadho iyada oo ku socota xawaare lamid ah midkii ay samada kaga soo dhacdey, arintaasi waxay bur-burin lahayd nolosha dhulka ka jirta.

Dhibcahaasi sidii xabbadaha rasaasta ah ayay u layn-lahaayeen wax-kasta oo noole ah. Dakharrada ay dhibcahaas geystaan waxay dhaawac u geysan lahaayeen dhirta iyo beeraha. Degaanada dadku ka adeegtaan iyo dhisma-hoosaadyada dhamaan waxay noqon lahaayeen howl-gab.

Falkan oo dheelli-tirkiisu ay ka qayb-qaadanayaan arimo isku-dhafan, ayaa iyana waxay tahay mucjiso kale oo Rabbaani ah. Waxay tilmaan u tahay, jaan-gooyada ay aayaddu inoo sheegtey in ayan ahayn mugga biyaha soo qubanaya oo keliya iyo degaanka ay ku hoobanayaan. Bal xataa ay gaarsiisan tahay xawligii ay dhibic-walba ku xawaareeneysey in ay si munaasib ah dhulka ku soo gaadho si loo intifaacsado.

Qore: Dr. Saadiq Enow

[email protected]

Hadalsame Media

Facebook Comments