”Waa inaan hubka ay doonayaan ka iibinnaa Turkiga haddii kale…” – Maraykanka oo dareemay in suuqa haatan lagula tartamayo

0

(Washington, DC) 30 Abriil 2022 – Diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka ayaa sheegay in iibinta hubka millateri ee la siinayo dalalka xulufada muhiimka ah ee Washington sida Turkiga iyo Hindiya ay tahay in la dardargeliyo, lagana saaro caqabadaha xafiiseed ee hor yaalla.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa qiray in geeddi-socod deg deg ah loo baahan yahay mar uu ka hor hadlayey Aqalka Koongarayska Maraykanka, gaar ahaan Guddiga Qoondaynta.

Iibka hubka Maraykanka ee uu doonayo dalka NATO ay ku wada jiraan ee Turkiga ayaa noqday dhibaato kaddib markii Ankara ay heshay hababka gantaalaha difaaca ee S-400 ee uu Ruushku sameeyo, taas oo keentay cunaqabataynta Maraykanka iyo sidoo kale in Turkigu laga saaro barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35.

“Wadamo dhowr ah, sidaan horeyba u sheegay, ayaa dib uga fikiraya xiriirkooda, kuwaasoo ay ku jiraan Ruushku, ama ay ku jiraan dalal xiriir dheer la lahaa Ruushka. Haddii aanu u geli karno meel aynaan u buuxinn karin tobannaan sano kahor, waxaan qabaa inay taasi tahay wax aan u baahanahay inaan awoodno inaan ku dhaqaaqno,” ayuu yiri Blinken.

“Dabcan, haddii aanan yeelin, waan ognahay cidda ay u badan tahay inay u buuxiso booskeenna.” ayuu raacshey.

Warkan ayaa imanaya xilli ay isu soo dhowaanayaan Washington iyo Ankara oo oo haatan 40 dayuuradood oo F-16 iyo 80 agabka kabka ah ka iibinaysa Turkiga oo horay u dalbaday  100 dayuuradood oo ah nooca F-35, balse Washington ayaa ka cayrisey barnaamijka kaddib markii ay iibsadeen gantaalaha S-400, iyadoo ay Ankara dalbanayso in loo mago $1.4 bilyan oo doollar (TL 20.7 bilyan oo liire) oo ay u shubtay Lockheed Martin oo samaysa dayuuradaha F-35 iyo F-16.

Hadalsame Media