Ukraine oo kashiftay inay Maraykanka ka heleen hub ay dunidaba ka haystaan 4 dal oo qura & halka ay ku rideen + Sawirro

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2022 – Ukraine ayaa waxay sheeganaysaa in ciidamada qalabka sida ay adeegsadeen gantaal ridaha 227mm M270 [MLRS] iyo M142 [HIMARS] oo laga keenay Maraykanka. Difaaca Express ayaa sheegay in GUR-Ukraine uu u weriyey xarunta dhexe ee ciidamada Ukraine in ciidamada qalabka sida ay horraanba isticmaalayaan MLRS-ta ugu casrisan ee ay bixiyaan xulufada Maraykanku.

GUR-Ukraine ayaa kashifay in markii ugu horreeysey ay habeenkii Abriil 22-23, ciidamada Ukraine ay isticmaaleen “MLRS/ka ugu dambeeya” si ay u weeraraan goobaha Ruushka ee u dhow Novobahmutka oo ka tirsan gobolka Donetsk.

M270 MLRS iyo M142 HIMARS

Labada hab wax bay ku kala duwan yihiin, laakiin sidoo kale waxay leeyihiin waxyaabo badan oo isku mid ah. Farqiga ugu wayn ee u dhexeeya M270 iyo M142 waa barafaangaha xambaarsan sagxadda iyo xirmada gantaalaha ay ridi karaan.

Tusaale, xirmada gantaalaha ee M270 waa kuwo laba jeer ka waawayn midka M142. Labada hab ee gantaaladu waxay leeyihiin maraare dhan 227mm. Labada hab baaxada iyo masaafada ay dabooli karaan waa isku mid: 300 km oo ay si buuxda u duqayn karaan iyo 500 km ay gaari karaan ugu badnaan.

MGM-140 ATACMS waxa uu ka shaqeeyaa afar waddan: Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed, Giriigga, iyo Turkiga. Waxa la dhisay 1986-kii laakiin waxa uu adeeg galay horraantii 1990-aadkii. Ka-qaybgalka dagaalladii Gacanka Beershiya, Afgaanistaan, iyo Ciraaq ayaa si rasmi ah loo diiwaangeliyey.

MGM-140 ATACMS miisaankiisu waa 1,670 kg. Waxa ay gantaalihiisu ku socdaan xawaare uu 3 jeer guuxiisa ka dheereeyo isagoo leh hannaan hagitaan oo GPS taageerta ama kaalmaysta.

Ruushka ayaa maalmihii dambe si muuqata uga digayey in hub waawayn la siiyo Ukraine iyagoo xitaa ku goodinaya inay nukliyeer adeegsan karaan haddii gidaarka lagu geeyo.

Soldiers from Charlie Company, 3/27 Field Artillery Regiment out of Fort Bragg, N.C., get ready to aim their High Mobility Artillery Rocket System (HIMARS) as part of the Rapid Force Projection Initiative Field Experiment (RFPI). This experiment is being used to test new equipment and its usefulness with the light forces in the field. (U.S. Army photo by Spc. Russell J. Good) (Released)

Hadalsame Media