Imisa laacib ayuu wakiil u ahaa Mino Raiola oo haatan geeridiisa la xaqiijiyey?

0

(Roma) 30 Abriil 2022 – Mino Raiola oo ahaa wakiilkii ugu saamaynta badnaa kubadda cagta ayaa goor dhowayd la sheegay inuu si faj’o ah u geeriyoodey.

Wacaal cusub oo haatan kasoo baxay qoyskiisa ayaa sheegaya in wakiilku uu geeriyoodey, kaddib markii 2 maalmood kahor la sheegay inuu nool yahay kaddib markii geeri lagu sheegay.

Raiola ayaa metelayey laacibiin ay ka mid yihiin qawaarka AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic, qannaaska Borussia Dortmund ee Erling Haaland, daafaca Juventus ee Matthijs de Ligt, qabtaha PSG ee Gianluigi Donnarumma iyo khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba.

Raiola oo 54 jir ahaa ayaa u dhashay Talyaaniga balse wuxuu isagoo yar qoyskiisa ula guurey Netherlands isagoo markii hore turjubaan ka noqday ciyaaraha ilaa uu wakiil wayn oo dhib badan isu rogo.

Sanadkii 2020, Forbes ayaa qoray in hantida Raiola ay gaarayso $84.7m oo doollar isagoo la shaqaysanayey walaalkii Vincenzo.

Hoos waxaa ku taxan liiska laacibiinta uu wakiilka ka ahaa ee ka kala dheela horyaallada qaaradda Yurub.

Hadalsame Media