”Cidi kama fiigi doonto ciyaarna ma aha” – TV Ruush ah oo calaameeyey dalalka ay nukliyeer ku duqayn karaan (Arag 3 magaalo oo u shiishan)

0

(Moscow) 30 Abriil 2022 – Hilin ay leedahay Dowladda Ruushka ayaa muujiyey sida uu noqon karo weerar uu MW Vladimir Putin ku qaado 3 caasimadood oo Yurub ah, kuwaasoo ay sheegeen inaan cidina ka ”badbaadi doonin”, kaddib hadalkii Wasiirka Gaashaandhigga UK ee ku saabsanaa inay Ukraine ku taageerayaan duqaynta kaabayaasha gudaha Ruushka.

Barnaamijka Channel One ka baxa ee 60 Minutes ayaa calaameeyey in la duqayn karo oo nukliyeer lala dhici karo magaalooyinka  London, Paris iyo Berlin kuwaasoo jugta lala heli karo wax ka yar 200 oo ilbiriqsi ama wax aan sidaa uga badnayn 3 daqiiqo.

Waxay hanjabaaddani ku soo beegmaysaa iyadoo madaxii hore ee NATO, Richard Sherriff, uu uga digay reer Galbeedku inay isu diyaariyaan ‘xaalad halis ah’ inta uu soconayo dagaalka Ruushku kula jiro Ukraine, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Madaxwaynaha Ruushku uu isticmaali karo dhoollatuska Maalinta Guusha dalka Ruushka ee Maajo 9 in uu ku dhawaaqo ‘dagaal buuxa oo lagu qaado deriskooda.

Bandhiga barnaamijkan, Gudoomiyaha Xisbiga Wadaniga ah ee Rodina, Aleksey Zhuravlyov, ayuu wuxuu ka fikirey waxa dhici doona haddii Ruushka uu weerarkaa nukliyeerka ah bilaabo: ‘hal gantaal oo Sarmat ah haddii UK lagu rido jasiiradaha British Isles waa ku daayeen.’ ayuu yiri.

Soo saarayaasha bandhigga TV-ga ayaa markaa kaddib dadka daawanayey tusay khariidad u muuqata in ay soo jeedinayso in gantaalaha laga soo tuuri karo Kaliningrad, oo ah gobol Ruushka ka tirsan balse ka go’an oo u dhexeeya Poland, iyo Lithuania kuna jeeda Badda Baltic-ga.

Waxay kaloo barnaamijka ku sheegeen in gantaaluhu ay ku gaari karaan Berlin 106 ilbiriqsi, Paris 200 ilbiriqsi halka London ay tahay 202 ilbiriqsi waana waqti ay adag tahay in xitaa laga jawaabo.

Arrintan ayaa imanaysa xilli dalalka reer Galbeedku ay sii wadaan taageerada ay siinayaan Ukraine, sida qalab, gaadiid dagaal taasoo aanu jeclaysan Ruushka oo dareensan inay doonayaan inay dagaalka ku daba dheereeyaan si uu u jabo dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba.

MW Vladimir Putin, ayaa kulan ka dhacay Moscow Abriil 20, wuxuu amray in la darbo gantaalaha qaadi kara madaxyada nukliyeerka oo uu ku jiro Sarmat ama ”Shaydaan II” oo xambaari kara 16 madax.

Dhanka kale, Afhayeennadda WAD Ruushka, Maria Zakharova, ayaa shalay xog-siinta todobaadlaha ah ku sheegtay in Galbeedka sida furan ugu baaqaya in la weeraro kaabayaasha Ruushak iyadoo la adeegsanayo hub ay bixiyeen NATO aysan kaftan u qaadan digniinta Ruushka:

‘Kuma talinayno in dulqaadkeenna la tijaabiyo’. ayay ku gooddisey.

Hadalsame Media