Carwo caan ah oo ku taalla Sweden oo lagu eedeeyey inay Ciidda qaadayso tillaabo ay ku takoorayso Muslimiinta

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2022Carwada Leos Lekland ayaa soo saartay farriin ku socota macaamiisheeda oo ay ku sheegayso in “inta lagu jiro Ciidul-fidriga, 2-4 Maajo, la kordhiyey qiimaha lagu gelayo“, taasoo ka dhigan in 50 kr oo dheeraad ah lagu daray qiimaha.

Mid ka mid ah dadka ka falceliyey arrintan waa hooyo saddex carruur ah leh, Sarwin, 42, oo ku dhaqan Västerås.Waxaan eegay Facebook kaddib markii ay dad aan asxaab nahay ay jawaab ku qoreen. Waxaan u maleynayaa inay tahay arrin aad u yaab leh in Leos Lekland uu sare u qaado qiimihiisa maalmaha ciidda,” ayay tiri.

”Dareen takoor”

De dagar som Eid al-fitr firas är inte rödmarkerade i Sverige. Inte heller är de markerade som en högtid i den svenska kalendern. Trots det har Leos Lekland beslutat om att ha samma pris som under en helgdag för sina inträden under Eid al-fitr.

– Det kommer bli väldigt dyrt för alla barnfamiljer som vill gå dit under i veckan. Jag tänker på alla muslimska barn som kanske vill fira högtiden där. Ska de behöva betala extra för det då? säger Sarwin.

“Waxay u qaab eg tahay takoor”

Maalmaha Ciidul Fidriga loo dabaal degayo ayaan Sweden looga aqoonsanayn maalmo fasax ah oo Sweden looga yaqaan ”Maalmaha Cas”. Sidoo kale laguma xuso kalandarka Sweden.

Balse iyadoo ay taasi jirto, Leos Lekland ayaa sii kordhisey qiimihii carwada lagu gelayey oo laga dhigay sida kuwa maalmaha fasaxa (helger) tiiyoo ay jirto inaan Muslimiinta la fasaxin xilliyada ciidaha.

Waxay sidoo kale xusid mudan in Leos Lekland ay ku dhawaaqay dhowaan in carruurta ka soo carartay dagaalka Ukraine ay heli doonaan qaabilaad bilaash ah, halka kuwa Muslimiinta ah oo ay in badan oo ka tirsani colaado kasoo carareen sicirkii lagu kordhiyey.

Dhanka kale, Anders Forssten, Maamulaha Suuqgeynta ee Leos Lekland, ayaa ku dooday inay jirto “faham la’aan” isagoo xusay in “qiimaha ay had iyo goor kordhiyaan xilliyada fasaxa iyo todobaad-dhamaadyada, tusaale ahaan, habeenka kirismaska, habeenka sanadka cusub, Easter-ka, Ciid al-Fitr, 1-da Maajo, Maalinta Qaranka iyo wixii la mid ah,” mar uu soo qoray email, balse maadaama aysan ciidaha Muslimku fasax rasmi ah ka ahayn dhanka Sweden hadalkiisu qiil noqon maayo.

Hadalsame Media