2 arrimood oo halis ah oo maanta ka dhacay kulankii Golaha Shacabka & mid ay tahay in la yeelo

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2022 – Xildhibaanadda Golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulanka guud ee golaha waxaana uu agenduhu yahay.

Ajendaha ugu wayn ayaa ahaa in Guddoonka KMG ahaa iyo kii hore ee rigliga ahaa ay xilka ku wareejiyaan midka cusub ee dhowaan la doortay ee Aadan Madoobe.

Waxaan se iftiiminaynaa 2 arrimood oo ka dhacday Golaha Shacabka oo muujinaysa mas’uuliyad darro siyaasadeed iyo halis ammaan.

1 – Waxaa xarunta Villa Hargaysa galay xubnihii la sheegay in lagu soo kala doortay Ceel Waaq iyo Garbahaarrey oo ah senaariyo markii horeba ku yimid siyaasad ku dhisan madax adayg iyo maangaabnimo ka timid Madaxtooyadii dalka.

Khaladka ceebta ihi waa in ay dad madax ihi ku raalli noqdaan ama ogolaadaan in Aqoonsi bug ah lagu galo golihii ummadda.

2 – Ma aha in Guddoonka KMG ihi uu kala jeclaysto labadan garab oo aanu midkoodna sharciga waafaqsanayn howshiisana maaha, marka waa in xal siyaasadeed bannaanka looga gaaraaye aan gudaha Aqalka lagu yooyootamin, waayo taasi waxay dilaysaa sumcadda dalka halis ammaanna waa dhalinaysaa.

TALO – Waxaan ku talin lahaa haddiiba ay jiraan dad talo maqlaya in 32-da xildhibaan doorasho hor leh oo daah-furan loogu qabto Muqdisho oo kii soo baxa la sharciyeeyo, laakiin waxaa loo baahan yahay in dhaqanka door laga siiyo xallinta xiisaddan laga fursan karey.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media