Sawir noocee ah ayay na siin kartaa dhacdada naxdinta badan ee dilka “Atoorihii Badda” ee loo haysto saaxiibkii?!!

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2022 – Ma wada durayo, balse waa u maleynayay inay dhibaato ka dhalan karto dhallinyaradan ku yaacday aruurinta iyo qeybinta lacagahan faraha badan maskaxdoodana ka wayn.

Allaha u naxariistee Atoorihii Badda, waxaa 60,000 (lixdan kun doollar) u diley saaxibkiis rumaad oo isla soo koreen, hadde ogoow lacagtu waa mid ay isla aruuriyeen ama soo direen Soomaali jecel sadaqada.

Xilliyadan danbe waxaa xarkaha goostey tirada dhalinyarada soo fariisatay baraha bulshada ee dalbanaya masuuliyad ah in dadka Somaliyed garab ku siiyaan sidii ay dadka masaakiinta ah ugu sameyn lahaayeen “afurin, ciidsiin, quudin, gargaar, gurmad, ka farxin, sadaqo, daweyn, dhiiri gelin” IWM.

Waa wax wanaagsan haddii hal dhinac laga fiiriyo, balse haddii xagal kale lagu xado isha, waxaa kuu soo baxeysa jawaab aan u wanaagsaneyn dhalinteena adduunyadooda iyo aakhiradooda.

In kastoo qofkii wax u bixiya Allah dartiis uu khasaarayn, waxaase halis ku jira nolosha, caafimaadka, mustaqbalka iyo aakhirada wiilal iyo gabdho badan oo Soomaaliyeed.

Intaa uma dhaafayo Allaha badbaadiyo dhalinta.

W; Q: Maxamed Deeyoo

Hadalsame Media