Qorshaha ugu qurxoon ee lagu wajihi karo hirgelinta doorashada madaxtinnimada DF Somalia

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2022 – Innaga oo fahamsan marxaladda, lehna yool aan higsaneyno, haddana waa in aan garawsannahay waxa na soo maray iyo oo aan cashar ka baran karno.

Wakhti dheerba uma jeedo ee waxaan ka hadlayaa doorashada Guddoonka labada Aqal iyo waxa aan ka baran karno si loo sii tifatiro Doorashada Madaxweynaha oo nagu soo fool leh usbuucyo aan badneyn gudahood.

Meel wanaagsan ayaan mareynaa laakiin waa la sii dhuudhuujin karaa.

Marka hore anigu goobta doorashada ma tegin, in badan oo ka mid ah waxaan toos uga daawaday baraha bulshada.

Muuqaallada ay isheydu qabatay iyo hadallada aan dhegeystay, iyo buuqa iyo hugunka ay dhegeheygu maqleen ayaan aragtideyda ku cabbirayaa.

Diyaar Garow

Guddiga la xulo waxaa habboon in ay is diyaariyaan. Akhriyaan, fahmaanna Dastuurka, Xeer hoosaadka iyo xeerka doorashada. In ay fahmaan, hubiyaanna in dhammaantood ay isku si u fahamsan yihiin tartiibta doorashada.

Tusaale ahaan sida wareegga koowaad lagu qaadi karo in ay tahay saddex marka loo qeybiyo laba dalool iyo in ay tahay aqlabiyad. Marka ay aqlabiyad noqoto maxaa loola jeedaa? Aqlabiyaddu in ay tahay cod hal dheeri ah codadka markaa hor yaalla iyo in ay tahay kala bar kuraasta Baarlamaanka oo mid lagu daray.

Habraaca kala duwan ee wareegga koowaad, kan labaad iyo haddii la isla gaaro mid saddexaad.

Natiijada iyo Dhaarta

Waxaa kale oo uu Guddigu u baahan yahay inta aan la gaarin maalinta cod bixinta in ay xubnihiisu isla gartaan cidda natiijada kama dambeysta ah ee rasmiga ah ku dhawaaqeysa, sida ay ugu dhawaaqeyso, iyo goorta ay ku dhawaaqeyso.

Waxaa loo baahan yahay in la isla meel dhigo haddii murashaxa la doortay la dhaarinayo, goorta la dhaarinayo, cidda u yeereysa si loo dhaariyo iyo cidda dhaarineysa.

In inta aan codeyntu billaaban ay sidaa u fahamsiiyaan Xildhibaannada, Murashixiinta iyo korjoogtada goobjoogga ah, kuwa khadka ku jira iyo kuwa TV-yada hor yuurura.

Sawir

Mobile-ka la soo jeediyay in aan lala gelin qolka lagu asteynayo kaadhka, waa ra’yi aan annaga oo murashixiin ah curintiisa lahayn 2012. Ujeeddadu waa in lagula dagaallamo musuqmaasuqa oo haddiiba uu Xildhibaan lacag ku qaatay codkiisa, aan lagu xujeyn in uu sawir ka qaado marka uu Kaadhka asteeyo. Waa si loo xoreeyo Xildhibaanka iyo codkiisaba.

Maaddaama uu qufku sidan karo laba ama ka badan mobile, ama uu sidan karo Saacadda Apple, waa in la helaa si kale oo loo xaqiijin karo in aan sawir la qaadin.
Malahaa birsheege (metal detector) ayaa lala kaashan karaa.

Aragtideyda, sawirka waxaa ka khatar weyn ballanqaadka, marin habaabinta, hanjabaadda, laaluushka, awaamirta iyo qabyaaladda la isu marinayo telefoonka inta ay doorashadu socoto. Farriimahaasi waxay ka imaan karaan murashixiinta qaar, dallaalliinta siyaasadda, Soomaali kale oo qaarkood yahay Dowlad diid sida yaryarka iyo xataa ajnabi laga yaabo in uu dano gurracan ka leeyahay Soomaaliya.

Waxay la mid tahay in Xildhibaanku isaga oo suuq dhex fadhiya oo labada dhegood midba ciddii doontaa ay gooni wax ugu sheegayso, uu haddana go’aan ka gaarayo mas’uulkii Soomaaliya hagi lagaa.

Waxaan is weydiinayaa, saacadahaas go’aanka looga gaarayo masiirka Soomaaliya, khasab miyey tahay in uu Xildhibaanku telefoon haysto? Xilkasnimo ma tahay in la yiraahdo telkeyga waan sidanayaa waanan isticmaalayaa?

Shirar aan cusleyn ayaa la yiraahdaa ha la demiyo telefoonka, ama telefoonba lalama soo geli karo.

Labada kee xasaasisan shir iyo doorashada Madaxweynaha?

Miyaan muddo kooban laga maarmi karin mobile?

Baarlamaanka oo aan hubo in uu iga xikmad sarreeyo, igana Xilkasnimo san yahay ayaan u deynayaa go’aanka.

Tanaasul ma aha in loo rogo olole

Dalal badan oo Dimuqraaddi ah, ololaha doorashadu wuxuu sharciyan istaagaa 24 saacadood codeynta ka hor.

Murashax kastaa wiixii uu rabo in ku sheegi karaa khudbaddiisa Baarlamaanka.

Sidoo kale saxaafadda ayuu adeegsan kara inta ka horreysa maalin ka hor codeynta.

Ma aha doorashada oo socota in cod la siiyo murashax tanaasulay ee uu yiraahdo hebel yaan la dooran ee hebel ha la doorto.

Xusuusteyda, arrintani waxay billaabatay 10 September 2012, markii Murashax Cabdiweli Gaas uu sheegay in uu ka tanaasulay wareegga labaad, ee uu raaciyay isbeddelka ha loo hiilliyo.

Taasi waa koobnayd, laakiin iyada oo ka faahfaahsan oo wakhti badan la siiyay waxaan dhegeysannay, 8 February 2017.

2022 waxay u dallacday in la carrab dhabo magac oo la yiraahdo hebel u codeeya.

Waxaa habboon in Guddigu uu Murashaxa tanaasula ka saxiixo waraaq hore loo diyaariyay ugana saxiixo Baarlamaanka hortiisa, Guddiguna uu ku dhawaaqo in uu murashaxaasi iskiis uga haray tartanka.

Labada murashax ee keliya ee cod leh waa kan Guuleysta iyo midka finaalaha la yimid, si uu kan dambe u qiro in laga guuleystay. Iyaguna waxay hadlayaan ka dib marka codeyntu idlaato, natiijadana lagu dhawaaqo.

Maamuuska Fadhiga

Xagga fadhiga Baarlamaanka waa qalad, in qof aan codeyneyn uu soo dhex galo fadhiga oo uu ka dhex ololeeyo, cadaadis saaro ama laga yaabee uu handado xildhibaan fadhiya Baarlamaanka.

Xubno Aqalka Sare ka tirsan oo galaangal ka dhex wada ayaan maqlayaa in ay xalay ku dhex milnaayeen Aqalka Hoose oo codeynaya. Xataa shakhsiyaad aan labada Aqal midna ka tirsaneyn ayaa dhex joogay.

Xubnaha Baarlamaanku marka ay codeynayaan waa in ay gooni u fadhiyaan oo aan dhexdooda la geli karin, lana kala dhex geli karin iyaga iyo sanduuqa doorashada.

Waa in uu ciidan kala dhex taagan yahay Xildhibaannada iyo Murashixiinta oo dhinac ah iyo Martida goobjoogga.

Martida Soomaali iyo ajnabi waa in ay fadhiyaan goob u asteysan oo musqul, masjid iyo bixid mooyee aan dhabbe kale u furneyn.

Mahadsanid in aad akhrisay. Fadlan aragtidaada ila wadaag oo ha kala kala bakhiilin saaxiibbada ku xiran bartan.

W; Q: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media