Xisaab mucjiso oo kale ah oo xalay laga diiwaangeliyey doorashadii Guddoonka Golaha Shacbiga (Arag yaabkan)

0

(Muqdisho) 28 Abriil 2022 – MUCJISADA DOORSHADII XALAY. Bal xisaabtan si fiican u dhuux.

Wadarta xildhibaannada codeeyey = 252

Codadka wareeggii 1-aad:

1. Xasan Cabdinuur = 98
2. Sh. Aadan Madoobe 74
3. Musharrixiinta kale = 80

Wareegga 2-aad Mucjiso ayaa dhacday.

Codadkii Xasan Cabdinuur waxaa kala wareegay labadii tiro, halkii ay ka ahaayeen 98 waxay noqdeen 89.
Halkaas Xasan wuxuu ku lumiyey 9 cod oo uu wareeggii 1-aad heystay, wuxuuna helay 89 Cod.

Sheekh Aadan oo markii hore helay 74, waxaa tiradii uu heystay wareegii 1-aad ugu biirtay tiro 89 cod ah oo la siman wadarta uu wareegga 2-aad helay Xasan Cabdinuur.

Sheekh Aadan wuxuu helay 74 + 89 = 163.

163+89=252

F.G. tirada 252 ogow waa astaan ka mid ah astaamaha qaranka oo waa furihii dalka ee dhanka telèefoonada.

Mucjisada labaad waxaa ay tahay wareegga 2-aad halka uu Xasan Cabdinuur ka helay 89 cod, Sheekh Aadan waxaa uu helay 89 Cod oo ka dheeri ah 74-tii uu heystay markii hore.

ILAAHEY DALKA TALADIISA HA INOO TOOSIYO!

W; Q: Abuukar Albadri

Hadalsame Media