WAR CUSUB: Wakiilka Mino Raiola oo geeridiisa la beeniyey

0

(Roma) 28 Abriil 2022 – Mino Raiola oo ahaa wakiilkii ugu saamaynta badnaa kubadda cagta ayaa goor dhowayd la sgäheegay inuu si faj’o ah u geeriyoodey, sida ay wada qoreen warbaahinta caalamku.

Ha yeeshee, wacaal cusub oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in wakiilku uu weli nool yahay balse ay xaaladdiisu liidato.

Raiola ayaa metelayey laacibiin ay ka mid yihiin qawaarka AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic, qannaaska Borussia Dortmund ee Erling Haaland, daafaca Juventus ee Matthijs de Ligt, qabtaha PSG ee Gianluigi Donnarumma iyo khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba.

Ninkan ayaa isbitaalka San Raffaele Hospital la dhigay Janaayo 12, iyadoo war lasoo saaray uu sheegayey inaysan xaaladdu halis ahayn, balse la sameeyey baaritaanno u baahday in la suuxiyo.

Wakaaladdiisa ayaa beenisey in Raiola u dhintay cudurro dhanka sambabka ah.

Hadalsame Media