”Waa ceeb inaan deeq ka qaadanno dalka dunida ugu faqrisan” – Dadka reer Uganda oo si yaab leh uga fal-celiyey kaalmo ay bixisay jaaliyadda Soomaalidu + Sawirro

0

(Kampala) 28 Abriil 2022 – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ayaa shalay deeq gaarsiisey Booliiska dalkaasi. Soomaalida ku nool dalka Uganda ayaa maanta deeqda ay booliiska ku wareejiyeen waxaa ka mid ahaa;

Qalabka nadiifiyeyaasha, waji-xirka ama maasgaraha, gacmo gashiyo iyo gaashaanka wejiga. Waxaa agabkaa ka qaabiley Taliyaha Guud ee Siyaasadda, AIGP Asan Kasingye munaasabad wareejin ahayd oo ka dhacay xarunta Booliska ee Naguru.

Yeelkeede, waxaa arrintan oo ay ihaano u arkeen ka khashaafay dadka reer Uganda oo si qaadan waa ah uga fal-celiyey inay hay’ad dowladeed kaalmo ka qaadato wax ay ku tilmaameen ”dad qaxooti ah oo ka yimid dalka adduunka ugu faqrisan.”

Sidee dadka Soomaaliyeed oo iyagu u baahan gargaar ay noo caawinayaan, ma waxay la macne tahay in Uganda ay aad u liidato si ay deeq uga hesho dalka ugu saboolsan adduunka.” ayuu is waydiiyey Wabwire Waycliffe.

Waddan qaxooti ah, ayaa wax ku deeqaya!” ayuu yiri Gideon Gidz oo warkiisa raaciyey emoji qosol ah oo kajan ah.

Dadkani wax been abuur ah ayay ugu deeqayaan Booliiska. Maxay ugu deeqi waayeen lacag?” ayuu soo jeediyey Mamgbi Patrick, yeelkeede, waxaa u jawaabey qof kale oo Ugandan ah.

”Adigu weligaa wax ma ugu deeqday.” ayuu waydiiyey Namanya Norman.

”Soomaalidu ma wada aha sidaad u malaynaysaan. Waxaan la joogaa in ka badan 6 sano hadda waa dadka ugu naxariista badan adduunka. Mashallah.” ayay tri Masikala Getrude.

Bal maxay rabaan in loogu bedelo?! #Ma Aamini karno kuwaane?” ayuu is waydiiyey Anthony Ssemwanga.

”Kuwani sabab la’aan wax kuma bixiyaane waxay u baahan yihiin wax beddel ah.” ayuu soo jeediyey Kas Vice Victor.

”Fadlan qofkee ii sheegi kara waxa loogu yeero qofka tabaruca ka hela dadka jilicsan??” ayuu ku kaftamay Shaft Avai.

Maxay naga qaadan doonaan maxaa yeelay Shiinaha ayaa gegida dayuuradaha horay u qaaday maxaa kale oo haray?” ayay tiri Namugga Jackline.

”Miyaysan lasoo daahin, maxaa haatan lagu qabanayaa?” ayuu is waydiiyey Cyrus Nsubuga.

”Bal wax kaleba ha joogtee qiyaas Soomaali. Maxaa ceeb ah in Ugandan la ahaado.” ayuu qoray Garvin Christopher.

Hadalsame Media