Saadaasha Dagaalka 3-aad ee Adduunka & senaariyo cabsi leh oo la qabsanayo webiga ugu dheer qaaradda Yurub ee Rhine

0

(Hadalsame) 28 Abriil 2022 – Dagaalka Saddexaad ee Adduunka (WW III) waa colaad mala-awaalkeedu uu taagan yahay, kaas oo ah mid lagu saddexeeyo dagaalkii I-aad iyo dagaalkii II-aad. Dagaalkii qaboobaa ayaa wuxuu ahaa colaado fudud marka loo eego baaxadda ay colaaddu yeelan kartay haddii dowladaha xoogga wayn ay si toos ah isu adeegsadaan hubkooda.

In kasta oo dowladahan xoogga wayn ay dhowr-jeer ay ku kaceen falaad siyaasadeed oo ay isugu fara-baxsadaan, misana waxaa jira arin mar-walba ka hor-taaneyd in ay tallaabo axmaqnimo ah oo dhankaas ah ay qaadaan. Waa fahamka ah in colaadda ay si xooggan u dhaawacayso labada dhinac oo midkoodna uusan ka badbaadeyn hubka halista ah oo ay isu adeegsanayaan.

Waxaa jiray sinaariyo mala-awaalo ah oo xoogagga waawayn uu mid waliba dhankiisa ka dejin jiray, kuwaas oo ay ku naqshadeynayeen sida ay uga fal-celinayaan haddii midkood dharbaaxada lagaga hor-maro. Waxaa kamid ah sinaariyaha la magac-baxay toddob cisho ee webiga Rhine (Seven Days to the River Rhine). Webigan ayaa wuxuu yahay webiga ugu dheer ee qaaradda Yurub dhaca. Biyihiisa waxay ka soo bilowdaan buuraleyda dalka Swiss. Wuxuu isu maraa waddamada Switzerland, Faransa, Jarmal, Liechtenstein, iyo Holand, halkaas oo uu biyihiisa ku bad-waynta Atlantikada. Qorshaha wuxuu ahaa dagaal fal-celis ah oo ku kacayaan ciidamada is-bahaysiga WARZWA, kaas oo ay kaga fal-celinayaan weerar lama filaan ah oo la adeegsanayao awoodda nuklierka oo kaga yimaada is-bahaysiga NATO.

Sinaariyaha weerarkaas mala-awaalka ah ayaa khuburada Soofyeetiga ee dejiyay
waxay ku sheegeen in jugtiisa hore ay ka bilaabanayso degmooyin dhaxa webiga Fistula ee ah webiga ugu wayn dalka Poland iyo dalka Jiik (Czech). Waxaa xusid mudan in labadan dal ay xilligaas xubno ka ahaayeen is-bahaysiga WARZWA. Fal-celisku wuxuu noqonyay in Soofyeetigu ay u diraan ciidamo ay ku xoojinayaan dalkii la oran jiray Jarmalka-bari, si uusan ugu dhicin gacanta NATO.

Isla-markaas in muddo sagaal cisho, xooggaas in ay ku gaaraan xuduudda Faransa. Jugtaas hore oo ay labada is-bahaysi is-dhaafsadeen oo keliya ayaa waxay ku qiyaaseen in dalka Polan oo keliya ay ka dhimanayaan dad tiradooda ay gaareyso laba melyan oo qof.
Waxaa intaas weheliya fal-celiska Soofyeetiga kamid ah in ay weerar nuklier ah ku qaadaan waddamada Jarmalka-galbeed, Baljiika, Holand, Denmark iyo Talyaaniga.

Haddii iyada oo ay nabad jirto la mala-awaalayay sinaariyaha caynkan ah, waxaa muuqata maanta dabka shidan oo la sii hurinayo in uu xataa si khaldan u dhici karo dagaal saddexaad. Waayeelkii caqliga iyo xikmadda ku shaqayn jireyna dunida oo idil waa uu ku yaraadey. Haddaanu dib u milicsano dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa jira dhacdooyin halis ah oo isku-dhac xooggan keeni kara. Haddii aanu wax ka xusno waxaa kamid ah raxanta maraakiibta ah oo ka tirsan saldhigga shanaad (Fifth Fleet) ee ciidanka badda Mareekanka ee ka soo dhaqaaqay dalka Baxreyn. Raxantan oo u soo ruqaansadey badda Cas ayaa sarkaal u hadley Pentagon wuxuu ku sheegey in ujeeddadu tahay ka hor-tagga hubka gaaraya Yaman. Taasina waa tallaabadii ugu horeysey oo ay si toos ah isaga hor iman-karaan Iiraan.

Raxanta oo dhowr markab ah, waxaa la filayaa in ay weheliyaan maraakiib ay leeyihiin dowlado kale. Shiikha wayn ee Iiraan Kaamenei, wuxuu ku dhawaaqay nabadgelyada dalkiisa in ayan noqon mid ku xiran wada-hadalka nuklierka oo keliya. Ka-sokow caqiidada shiicada ah oo ay dadkeeda dhaqaajineyso iyo hubka badan oo ay sameysatay, Iiraan waxaa laga filayaa muddo bil ah gudaheed in ay yeelato awood nuklier.

Ukrain waxay gantaal ku bur-buriyeen markab wayn oo kuwa dagaalka ah, kaas oo loogu magac-daray magaalo-madaxda Moskva. Waa markaba hoggaanka u ahaa ciidanka Ruushka ee fadhiya badda Madow. Markabku wuxuu ahaa calan Ruushku ku faano oo uga babanayay badaha adduunka. Duqeyntaas dabadeed, Mareekanku wuxuu Ukrain ugu deeqey hub qiimihiisu gaarayo 800 oo melyan oo dollar. Hubkaasi oo uu bilaash ku bixiyey wuxuu yahay mid casri ah oo door wanaagsan ka qaadanaya dagaalka iska-caabinta ah oo Ukrain ay kula jirto dowladda ka xoogga wayn.

Xiisadda Taiwaan ayaa iyadana kor u kacday, kadib markii ay lix xildhibaan oo Mareekan ah ay booqdeen dalkaas. Tallaabadaas waxay Shiinaha ku tahay xiniinyo-taabasho looga digayo in ay ku fekerto in ay xoog ku qabsato Taiwaaan. Xildhibaanadu waxay isugu-jiraan labada xisbi ee Mareekanka. Arintaasi waa farriin tilmaamaysa in ay qadiyadda Taiwaan ay ka mideysan yihiin. Shiinuhu wuxuu kaga jawaabay dhoolla-tus ciidameed oo xooggan, kaas oo ayan hrey u dhigin mid lamid ah. Dhoolla-tusku wuxuu ka dhacay meel u dhow dalka Taiwaan. Waxaa ka qayb-galay ciidank dhulka, badda, cirka iyo gantaallada. Hubka ay u adeegsadeen dab-ridka wuxuu ahaa kuwo casri ah oo macne gaar ah gudanayay.

Iyada oo arntu sidaas u kacsan tahay, ayaa dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, isla-markaas ah wasiirka difaaca iyo hoggaamiyaha ciidanka, ayaa wuxuu taleefan kula hadlay hoggaamiyaha dalka Shiinaha Xi Jinping. Hoggaamiyuhu wuxuu u sheegey dhaxal-sugaha, in caalamku uu gelayo xaalad aanan caadi ahayn. Waxaa jirta booqasho la filayo in Xi Jinping uu ku yimaado Sacuudiga bisha ramadaan markii laga baxo. Arimahaas waxay inoo waxyoonayaan kuwii sheegan jirey nabad ilaalinta dunida in iyagii ay nabad isu-diidan yihiin.

Qore: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media