Moowtal qafle ku dhacay wakiilkii ugu waynaa ciyaarta kubadda cagta & waxa ilaa haatan la og yahay

0

(Roma) 28 Abriil 2022 – Mino Raiola oo ahaa wakiilkii ugu saamaynta badnaa kubadda cagta ayaa si faj’o ah u geeriyoodey.

Raiola ayaa metelayey laacibiin ay ka mid yihiin qawaarka AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic, qannaaska Borussia Dortmund ee Erling Haaland, daafaca Juventus ee Matthijs de Ligt, qabtaha PSG ee Gianluigi Donnarumma iyo khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba.

Ninkan ayaa isbitaalka San Raffaele Hospital la dhigay Janaayo 12, iyadoo war lasoo saaray uu sheegayey inaysan xaaladdu halis ahayn, balse la sameeyey baaritaanno u baahday in la suuxiyo.

Warqaadka German-ka ah ee BILD ayaase qoraya in xaalkiisu uu ka ba’naa sidii loo malaynayey, tiiyoo isbitaalka laga saaray maalmo yar kaddib.

Raiola oo 54 jir ahaa ayaa u dhashay Talyaaniga balse wuxuu isagoo yar qoyskiisa ula guurey Netherlands isagoo markii hore turjubaan ka noqday ciyaaraha ilaa uu wakiil wayn oo dhib badan isu rogo.

Sanadkii 2020, Forbes ayaa qoray in hantida Raiola ay gaarayso $84.7m oo doollar isagoo la shaqaysanayey walaalkii Vincenzo.

Hadalsame Media