Kaddib Sucuudiga & Imaaraadka hoggaamiye reer Galbeed ah oo telefoonka ku dhegeystey Joe Biden (Yaa kale oo aan ka qaban?)

0

(Washington, DC) 28 Abriil 2022 – Madaxwaynaha cusub ee Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa habeennimadii Axaddii aan talefoonka ka qaban Madaxwayne Biden, taasoo keentay in Biden uu la sheekaysto shaqaalaha Madaxtooyada Macron oo uu sugo illaa maalinta xigta ee Isniintii.

“Waxaan ku faraxsan ahay doorashada Faransiiska,” Biden ayaa u sheegay koox saxafiyiin ah markii uu kusoo laabtay Washington, D.C., kaddib safar uu ku tegey Delaware. “Waxaan isku dayey inaan la hadlo xalay. Waxaan la hadlay shaqaalihiisa, wuxuuna joogay Eiffel Tower oo uu waqti fiican ku qaatay. Maanta ayaan la hadlayaa isaga.” ayuu yiri.

Biden ayaa Macron ugu hambalyeeyay Twitter-ka Axaddii, isagoo qoray, “Hambalyo @EmmanuelMacron dib-u-doorashadiisa. Faransiisku waa xulafadeenna ugu da’da wayn iyo saaxiib muhiim u ah wax ka qabashada caqabadaha caalamiga ah. Waxaan rajaynayaa inaan sii wadno iskaashiga dhow – oo ay ku jiraan taageeridda Ukraine, difaacidda dimoqraadiyadda, iyo kahortagga isbeddelka cimilada.”

Biden ayaa wuxuu horey ugu dhib mutay isku day uu ku doonayey in hogaamiyaal caalami ihi ay telefoonka ka qabtaan. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman iyo dhiggiisa Sheikh Mohammed bin Zayed al Nahyaan ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa labaduba diidey wicitaanno ka yimid Biden bishii hore si uu ugala niqaasho umuuro la xiriira kordhinta dhoofinta saliidda, sida uu sheegay The Wall Street Journal.

Hogaamiyeyaasha sare ee millateriga Ruushka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay diideen ka jawaabista wicitaannada Biden bishii hore, sida laga soo xigtay Washington Post.

Sannadkii 2021-kii, isku dayo soo noqnoqday oo uu Maraykanku ku doonayey inuu la xiriiro Kuuriyada Woqooyi ayaan wax jawaab ah laga helin, sida ay sheegtay BBC-du.

Biden ayaa ugu dambayntii la hadlay Macron Isniintii si uu ugu hambalyeeyo dib u doorashadiisa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka.

Hadalsame Media