Hay’ad warbaahineed oo caalami ah oo qiimayn gaar ah u samaysay af Soomaaliga (2 af oo qura oo ay Afrika kasoo qaadatay)

0

(Hadalsame) 28 Abriil 2022 – Bisha Ramadaan ayaa qarka u saaran inay dhammaato iyadoo ay haatan ka harsan yihiin 2-3 maalmood si loogu dabaaldego Ciidul Fidriga.

Ramadaanka ayaa lagu wadaa inuu dhamaado Axadda ama Isniinta Maajo 2-deeda, taasoo hadba ku xirnaan doonta sida bisha loo helo ama loo waayo kaddib maalinta 29-aad ama sida bilashada Soonka la iskugu khilaafsan yahay.

Haddase waxaan ka hadlaynaa Al Jazeera English oo moowduuc kooban ka samaysay magacyada ay dunida Muslimku u kala taqaan Ciida.

Waxaana lagu xusay sida ay Soomaalidu u taqaan oo lagu sheegay “Ciid Mubaarak”, walow ay Soomaalidu uga sii badan tahay “Iid Wanaagsan.”

Yeelkeede, waxaa xusid mudan in Afrika oo idil laga soo qaatay af Soomaaliga iyo afka Xoowsaha ee Galbeedka Afrika.

Hadalsame Media