Dal Muslim ah oo ku gooddiyey inuu gaaska dabiiciga ah ka goosanayo dal wayn oo ka tirsan Midowga Yurub (Maxaa la isku maagay?)

0

(Hadalsame) 28 Abriil 2022 – Dalka Carbeed ee Aljeeriya, oo leh kaydka gaaska labaad ee ugu wayn Afrika, ayaa sheegtay inay joojin doonto gaaska ay siiso Spain haddii Madrid ay u wareejiso “meel saddexaad.”

Digniintan ayaa daba socota go’aan dhowaan ay Spain ku sheegtay inay gaas diinayso dalka Woqooyiga Afrika deriska la ah ee ay gobolka ku xafiiltamaan ee Morocco.

“Gaaska dabiiciga ah ee la gaarsiiyo Spain, oo ah meesha qura ee uu u socdo sida ku xusan qandaraasyada, haddii loo weeciyo meel kale waxaa loo tixgelin doonaa jebinta ballanqaadyada ku dhigan qandaraasyada,” Wasaaradda Tamarta ee Algeria ayaa sidaa sheegtay Arbacadii.

Haddii ay tallaabadan oo kale qaaddo Madrid “waxay keeni kartaa joojinta qandaraaska u dhexeeya Sonatrach iyo macaamiisheeda Isbaanishka ah,” ayay raacisay Wasaaraddu.

Sonatrach waa shirkadda gaaska ee Dowladda Aljeeriya, taasoo Spain siisa in ka badan 40% gaaska dabiiciga ah ee Madrid soo dejisatey 2021-kii.

Hanjabaaddan ayaa ka hor imanaysa hadal uu todobaadkii hore sheegay Madaxwaynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune, kaas oo u ballanqaaday dadka reer Spain in Algeria aanay waligeed ka leexan doonin go’aankeeda ah in ay Spain gaas siiso xaalad kasta.

Aljeeriya iyo Morooko ayaan isku fiicnayn iyadoo Rabaad xiriirka u jartay sanadkii tegey, sidoo kale bishii Maarso waxay Algeria u yeeratey Danjireheeda Madrid kaddib markii ay taageero u muujiyeen Marooko oo ay gumaysan jireen, waxay Algeria sidoo kale taageertaa jabhadda Polisario Front ee ka dagaallanta Western Sahara oo doonaya inay ka go’aan Marooko.

Hadalsame Media