Dal Midowga Yurub magdhow uga doonaya hub uu ugu deeqay dalka Ukraine

0

(Hadalsame) 28 Abriil 2022 – Dal ka tirsan EU ayaa Midowga Yurub ka dalbanaysa magdhow laga siiyo qalabkii millateri ee ay u direen dalka Ukraine iyadoo ay weli socoto colaadda kala dhaxaysa Ruushka, sida ay sheegtay idaacada Sweden Arbacadii.

Stockholm ayaa ogolaatay in sahay ciidan loo diro Ukraine labadii bilood ee la soo dhaafay. Dabayaaqadii Febraayo, waxa ay fasaxday bixinta 135,000 oo raashin diyaarsan ee ciidanka ah, 5,000 koofiyadaha ciidanka ah, 5,000 oo xabo oo jaakadaha rasaasta ah, iyo sidoo kale ilaa 5,000 oo ah hubka garbaha laga rido ee lidka taangiyada ee Pansarskott iyo 86 qori oo ah kuwa roketyada tuura.

Dowladda Sweden ayaa dabayaaqadii bishii Maarso waxa ay ansixisay in la daabulo 5,000 oo kale oo ah hubka lidka taangiyada, iyo sidoo kale qalabyada miinooyinka lagu baaro.

Labadan qaybood ee gargaarka millateri ah ayaa lagu qiyaasay inay ku kacday 413 milyan oo karoon ($43.5 milyan) iyo 205 milyan oo karoon ($21.7 milyan), siday u kala horreeyaan.

Dalkani waxa uu hadda magdhow ka doonayaa Midowga Yurub, isaga oo codsanaya 95 milyan oo karoon ($10 milyan) oo loogu talagalay qayb ka mid ah 5,000 ee koofiyadaha oo keliya.

Si kastaba, Stockholm uma badna inay ka faa’iiddo deeqdan Ukraine xitaa haddii ay dhab ahaantii ku guulaysato inay magdhow ka hesho Midowga Yurub. Taa baddalkeeda, taageeridda Kiev waxay u badan tahay inay kharash uun ku gasho, sida uu raadiyuhu soo jeediyey.

Ruushka ayaa ka digey hubka lagu daldalayo Ukraine isagoo ku goodiyey inuu duqayn karo kaydadka hubka ee dalalkaasi.

Hadalsame Media