Aan xusno meeshii ay xalay iska qaban waydey xisaabtii uu isku dhufsaday Md Laftagareen & ragga ku xirfadeeyey?!

0

(Hadalsame) 28 Abriil 2022 – Guusha caawa ee Shiikh Aadan Madoobe waxaa si aan toos ahayn “Indirect” uga shaqeeyay madaxwaynaha dawlad goboleedka Koonfur galbeed C/casiis Laftagareen,

Madaxwayne laftagareen isga oo is lahaa, si aad ugu guulaysato kursiga gudoomiyaha Baarlamaanka meesha ka saar cid kasta oo saamayn ku yeelan karta, ayaa waxaa luuq uga soo baxay xubno ay ka mid yihiin gudoomiyaha guulaystay, Shiikh Aadan Madoobe, Aadan Saran Soor iyo C/laahi Black oo malaha uu is lahaa waxbay kaa maqlayaan oo gudoomiyenimada u tartami mayaan.

In aanay siyaasadi isku hallayn lahayn waxaa daliil u ah, xubnaha Laftagareen talada ka diidey ee go’aansaday in ay tartamaan, waa kuwii ka ballanqaaday in aanay musharrax noqon doonin, balse markii ay shahaadada qaateen baray casharo siyaasadeed Madaxwayne C/Casiis.

Doorashada caawa dhacday waxaa ay saadaal u noqon kartaan tartanka madaxwaynenimada ee ay isku haleeli doonaan musharixiintii ugu badnaa ee uu ka mid yahay madaxwayne Farmaajo.

Inta badan siyaasaddu waxaa ay muujisaa in tirada wareega hore uu keeno madaxwaynaha dalka ama cid isga taabacsan oo gudoomiyaha labada aqal middood u tartanta aanay waxba ugu darsamin tirada wareega hore ay keenaan.

Tusaale waxaa u ah, Xassan C/nuur waxaa uu wareegii hore keenay 98 oo uu in labafan 20 cod ku hogaaminayay Shiikh Aadan Madoobe, balse in ay wax ugu darsamaan iska daaye tiro badan oo wareegii hore codad siisay ayaa kala laabatay wareegii 2-aad.

Maxaad ku dari lahayd ama ka dhimi lahayd?

W; Q: Xasan Cadde

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media