”Waxaan ridi doonnaa hub aysan cid kale haysanin” – Putin oo hanjabaad culus u diray dalalka hubeeynaya Ukraine

0

(Moscow) 27 Abriil 2022 – Madaxwaynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa uga digay cududaha qalaad ee dibadda inay farageliyaan khilaafka Ukraine, isagoo ballanqaaday wax uu hseegay “jawaab ka orod badan xawaaraha hillaaca” marka ay galaan ficillada noocaas ah, iyadoo la adeegsanayo hubka ugu casrisan ee Moscow.

“Haddii qof uu go’aansado inuu dibedda kasoo farageliyo dhacdooyinka socda oo uu nagu abuuro haliso istiraatiiji ah oo aan la aqbali karin, waa inay ogaadaan in jawaabteennu tahay dharbaaxada soo socota ay noqon doonto mid degdeg ah oo u dhaqse badan sida hillaaca,” ayuu Putin ku yiri khudbad uu u jeediyay sharci-dajiyayaasha galabta.

“Waxaan haysanaa dhammaan agabkii aan sidaa ku samayn lahayn. Waa qalab aan innaga mooyaane cidina ku faani karin. Laakiin faani mayno. Waanu adeegsan doonnaa haddii baahidaa oo kale timaaddo,”ayuu ku gooddiyey madaxwaynuhu, isaga oo aan cayimin agabka la isticmaali karo.

”Mas’uuliyiinta Ruushku waxay horeyba u sameeyeen diyaarinta dhammaan go’aannada lagama maarmaanka ah si loo bixiyo jawaabta noocan ah.” ayuu raaciyay.

Todobaadki hore Ruushku waxa uu ku guulaystay tijaabinta gantaalkiisa casriga ah ee RS-28 Sarmat ee isaga kala goosha qaaradaha. Gantaalkan cusub ee xambaari kara 16 madax oo ah hubka Nukliyeerka ayaa qaadi kara ayaa guuxiisa ka dheereeya.

Warkan ayaa imanaya iyada oo uu Ruushku saaka ku goodiyey inuu duqayn doono dalal ay ka mid yihiin UK oo kaalmo hub siiya dalka Ukraine.

Dhanka kale, di ka duwan Ruushka, Maraykanka iyo xulafadiisa NATO hadda ma haystaan wax hub ah oo guuxiisa ka dheereeya oo ku jira adeegga ciidamada gaashaanbuurtan.

Hadalsame Media