TALIYE XIJAAR: Mid xaq buu u leeyahay mid wuu ku xadgudbey midna xaraj buu ku galay

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2022 – Warka Taliyaha Boliska Jen Xijaar waa cad yahay. Wuxuu yiri doorashada guddoonka golaha shacabka dib ha loo dhigo. Waxaa kaloo uu yiri laba maalmood ayaan u baahanahay si aan u xaqiijiyo amniga goobta ay doorashada ka dhaceyso.

Wuxuu talo ku soo jeediyay in muddadaa laga sii shaqeeyo in la dhameeyo khilaafka jira oo uu ula jeedo kuraasta Gedo. Ugu dambeyntiina wuxuu yiri sida ay hadda wax yihiin kuma damaanad qaadi karo amniga doorashooyinka.

Maadaama maalinta qabashada doorashada hore loo sii sheegay isla markaana uu horeba ugu xilsaarnaa sugidda amnigeeda, waxaa meesha ka baxaya warka ah laba maalmood ayaan u baahanahay si aan u sugo amniga doorashada ka dhaceysa xerada afisiyoone.

Waxa soo haray warka ah xal ha loo helo khilaafka jira taasoo ah sababta runta ah ee uu taliyaha u yiri waa in doorashada dib loo dhigo. Micnaheedana waa ayadoo aan kuraasta Gedo la xallin, doorasho lama qabanayo.

Taliyaha wax xil ah kama saarna kala saaridda xildhibaannada iyo sharciyaddooda, shaqadiisana ma aha, cid ku eedeyn kartana ma jirto, balse waxaa is weydiin mudan taliyaha inuu qodobkaan warkiisa ku soo daro maxaa ku kallifay?

Taliye Xijaar ma aha nin fudud oo dhacdhac badan, wuuna yaqaan waajibaadkiisa shaqo. Wuxuu warkiisa ku koobi karay arrinta amniga oo ah shaqadii uu u idmanaa, balse kuma ekaan oo wuxuu hadalkiisa raaciyay war ama arrin aan amniga doorashada la xiriirin.

Waxaa muuqata in la siiyay amar ah jooji doorashada qiilna ka dhigo amniga, taasoo ay ujeeddada ka dambeysa tahay si loo helo waqti xal loogu raadiyo kuraasta Gedo, waxaana caddeyn u ah warkiisa ah inta aan amniga ka sugayo, khilaafka ha la sii xalliyo.

Taliye Xijaar waa taliye amar la siiyay, cidda amarka bixisayna waa cidda soo saartay wareertadii u dambeysay.

Taliye Xijaar xaraj buu galaye yaan carada lagula dhicin.

W; Q: Cali C. Cosoble, MW hore ee Hirshabeelle

Hadalsame Media