SAWIRRO: Taangiyada Ukraine oo ay godkooda biyo ugu soo galeen (Ruushka oo howlgeliyey gantaal nooc cusub ah)

0

(Moscow) 27 Abriil 2022 – Taangiyada dagaalka ee ugu muhiimsan iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ah qalab muhiim ah u ah goobta dagaalka.

Si loola tacaalo taangiyada reer Galbeedka oo aad iyo aad u horumarsan, Ruushku waxa uu sii wadaa hagaajinta iyo cusboonaysiinta helakabtarrada weerarka. Waxaa ka mid ah nooca Abuu Yaxaaska ah ee Ka-52M “Alligator”, taasoo haatan lagu qalabeeyey gantaalka casriga ah ee “Product 305”

Gantaalkan oo markii ugu horreeysey ee il la saaro ay ahayd Agoosto 2021 oo lagu soo bandhigay carwada hubka Ruushks ayuu culeyskiisu dhan yahay 105 Kg, waxaana uu yahay mid aad u qarxa.

Baaxadda madaxyada ku xirani waa 25 kiiloogaraam, gantaalkuna waxa uu gaarayaa masaafo dhan 14.5 kilomitir, xawaaraha duullimaadkiisuna waa 250 mitir ilbiriqsigii.

Gantaalkani waxa uu isticmaalaa isku xirka xogta raadiyaha isagoo leh hagid kul-raadis ah waxa loo yaqaan infrared, waxa uuna awood u leeyahay in “la rido oo la illoobo”, micnuhu wuxuu yahay inuu isagu is wadayo markaa kaddib.

Hadalsame Media