Ruushka oo diyaariyey gantaalkii ugu horreeyey ee wada Ruush ah oo soo ridi kara dayax gacmeedyada meeraya falagga dhulka + Sawirro

0

(Moscow) 27 Abriil 2022 – Ruushka ayaa ku dhawaaqay in habka gantaalaha cir ilaa cir ee S-500 Prometey, sidoo kalena loo yaqaano 55R6M Triumfator-M, uu galay wax soo saarka caadiga ah, sida laga soo xigtey wakaalada wararka Ruushka ee TASS. Jan Novikov, oo ah Maamulaha Guud ee Almaz-Antey, shirkadda soo saarka S-500 leh, ayaa sidoo kale xaqiijiyey warkan mar uu wareysi dhowaan siiyay majaladda Difaaca Qaranka.

MUXUU UGA DUWAN YAHAY? S-500 Prometey waa nidaamkii ugu horreeyey ee wada Ruush ah ee gantaalaha lidka diyaaradaha ee uu dalkaasi sameeyo taariikhda dhow ee Ruushka. Nidaamyada gantaalaha S-300 iyo S-400 ayaa laga dhaxlay Midowgii Sofiyeeti ee hore iyo waayihii dagaalkii qaboobaa, iyadoo Ruushku uu cusboonaysiiyey oo qura nidaamyadan difaaca hawada tobankii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa ay wararka qaar sheegayaan in S-500 uu noqon doono nidaamka difaaca hawada ugu wayn Ruushka, kaasoo bedelaya S-400 Triumph ee hadda jira. Ilo kale ayaase sheegaya in S-500 uusan “meesha ka saari doonin” S-400, balse uu la shaqeyn doono.

Marka loo eego sifooyinka sida rasmiga ah u muuqda ee Ruushku sheegayo, S-500 waxa uu awood u yeelan doonaa halisaha hawada ee lagu sifeeyo kuwa guuxooda ka dheereeya, dayax gacmeedyada, iyo gantaalaha ballistic-ga ee qaaradaha.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka, S-500 waxay isku mar qaban doontaa ilaa 10 gantaalaha ballistic-ga ee guuxooda ka dheereeya ah, oo ay ku jiraan gantaalaha cruise-ka ee ku duulaya xawaare dhan 5 km/ilbiriqsigii. Raadaarka gantaalaha ayaa gaaraya ama wax ka arkaya masaafo dhan ilaa 3,000 km.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in nidaamkan si deg deg ah loo howlgelin karo, sababtoo ah waa mid aad u guur guur badan, waxaana uu ku jawaabi karaa 4 ilbiriqsi [S-400 waxa uu ku jawaabi karaa 10 ilbiriqsi.

Hadalsame Media