RASMI: Ruushka oo markii ugu horreysey saadka gaaska ka jartay laba dal oo NATO ka tirsan + Sababta

0

(Warsaw) 27 Abriil 2022 – Saraakiisha dalalka Poland iyo Bulgaria ayaa sheegay in Ruushku uu joojinayo gaaska dabiiciga ah ee dalalkooda ay siin jireen kaddib markii ay diideen in ay biilka ku bixiyaan lacagta Ruble ee Ruushka.

Dowladaha labadan dal ee Midowga Yurub oo sidoo kale ka tirsan NATO ayaa sheegay in shirkadda tamarta Ruushka ee Gazprom ay ku wargelisey inay joojinayso saadka gaaska laga bilaabo Arbacadan.

Joojintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysey tan iyo markii uu Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu sheegay bishii hore in “iibsadayaasha ajnabiga ah” ee aan saaxiibada fiican la ahayn Moscow ay tahay inay biilka ku bixiyaan Ruble-ka halkii ay ka ahayd Doollar oo 40% lagu bixiyo iyo Euro oo ah 60%.

Wasiirka Cimilada, Anna Moskwa, ayaa carabka ku adkeysay in Poland ay diyaar usii ahayd xaaladan oo kale kaddib markii ay sanado badan ka shaqayneysey sidii ay u yareyn lahayd ku tiirsanaanta ilaha tamarta Ruushka.

Waxay tilmaantay in waddanku si wax ku ool ah u madaxbannaanaa marka ay timaado gaaska Ruushka intii muddo ahaydba.

“Ma jiri doonto gaas yaraan ka dhacda guryaha Polish-ka.” Ayay Moskwa ku soo qoryay Twitter.